1023 Views

Shirkadda Twitter oo xirtay cinwaankii ay xiddigta Bollywood Kangana Ranaut ku lahayd

Shirkadda Twitter oo  xirtay cinwaankii ay xiddigta Bollywood Kangana Ranaut ku lahayd
____________________________________________________________________________

May 5, 2021

Shirkadda Twitter ayaa xirtay cinwaankii ay xiddigta Bollywood Kangana Ranaut ku lahayd kaddib markii ay atariishadu soo dhigtay qoraal loo arkay inuu yahay mid qalalaase kicinaya.

Qoraalkaas ayay Kangana ku weydiisay Ra’iisul Wasaare Narendra Modi inuu “edbiyo” hoggaamiye ka tirsan mucaaradka isagoo adeegsanaya xeeladihiisii hoggaamineed ee “horaantii sanadihii 2000” – taasoo dad badan ay u fasirteen rabshadihii maareynayay ee dhacay xilligaas, ayna ku dhinteen dad kor u dhaafaya 1,000 oo u badnaa Muslimiin.

Farriinta Twitterka ee Ranaut ayaa si deg deg ah u abuurtay caro iyo hadal-heyn ku baahday baraha bulshada.

Maamulka shirkadda Twitter wali wax bayaan ah kama aysan soo saarin arrintan.

Laakiin wakiil ka tirsan shirkaddaas ayaa BBC-da u sheegay in Ranaut ay marar badan ku tumatay shuruucda Twitter iyadoo ku shaacisay hadallo naceynb abuuraya iyo hab dhaqanno kale oo xumaato ah.

Kangana oo la hadleysay warbaahinta ANI ayaa tallaabada ay Twitter qaadday ku tilmaantay cunsuriyad.

“Twiiter wuxuu caddeeyay arrintii aan horay u sheegay oo ahayd in ay yihiin Mareykan dhalad ah, qof caddaan ahna wuxuu aaminsan yahay inuu xukumo qof midabkiisu uusan caddaan ahayn, waxay doonayaan inay kuu sheegaan sida aad u fikireyso iyo waxa aad ku hadleyso ama sameyneyso.

“Waxaan leeyahay meelo badan oo aan codkeyga kusoo bandhigi karo, waxaana ka mid ah habkeyga gaarka ah ee wararka shaleemooyinka,” ayay raacisay hadalkeeda.

Ma aha markii ugu horreysay ee Ranaut ay dhalisay muran iyo hadal heyn. Markii ay ka baxday Bollywood-ka waxay shaacisay eedeymo la xiriira in shirkaddaas dhexdeeda uu ka jiro tacaddi qof jecleysi ah oo dadka shaqada la siiyo lagu kala xusho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post