4365 Views

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridi skarta Imaaradka Carabta

____________________________________________________________________________

images (14)Moqdisho,6 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayid Al Nahyan iyo shacabka Imaaraadka, isagoo uga tacsiyeeyay dilkii 45 askari oo waddankaasi u dhashey, oo ka dhacay dalka Yemen.

‘’Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto geesiyaasha dhintey, waxay naftooda ku waayeen iyagoo difaacaya qaddiyad ku dhisan xaq iyo caddaalad, dhimashadoodana ma hakin doonto taageerada Jaamacadda Carabta ay ka geysaneyso nabad ka aslaaxinta Yemen’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha askarta dhimatey Ilaahay uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, qoysaskii iyo shacabka ay ka tageenna uu Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.

Ciidammadan ayaa qeyb ka ahaa isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee taageeraya dowladda sharciga ah ee ka jirta Yemen ee Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay mowqifka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan xasaradda Yemen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment