4959 Views

DHISMAHA MAAMUL U SAMEEYNTA DEGAANNADA MAAMUL GOBOLEEDKA GALMUGUD

DHISMAHA MAAMUL U SAMEEYNTA DEGAANNADA MAAMUL GOBOLEEDKA GALMUGUD
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 07 Feb 2016 |  Waxaa beryahan ka socday wadatashi dhisme maamul u samayn ee degmada HOBYO iyo u kuurgelidda xaaladda dekedda la damacsan yahay in laga dhiso degmada Hobyo, waxaa degaankaa ku sugan masuuliyiin uu hogaaminayo madaxweeynaha GALMUDUG Cabdikariin Guuleed.

Hobyo_view

Xubnihii wefdigaas la socday ee beesha Karanle waxay kulamo badan la qaateen odayaashii iyo dadweeyne aad u badan oo degaankaas ka soo jeeda kuna abtirsada beesha Karanle. Shabakadda Qaranimo warar ay ka heshay degaankaas Hobyo waxay noo xaqiijiyeen in madaxdaasi wadatashiyo dheer kedib inay magacaabeen guddiga ka kooban 17 xubnood oo isugu jira beelaha dega degmada Hobyo, iyadoo gudigan loo qaybsaday sida ay beelahaasi u degaan degaankaas.

Gudiga wuxay ku qabsadeen habkan:
1- Beesha Sacad          4 Xubnood
2- Beesha Saleebaan    4 Xubnood
3- Beesha Murusade     3 Xubnood
4- Beesha Direed           2 Xubnood
5- Beesha Shiiqaal         2 Xubnood
6- Beesha Jaaji              2 Xubnood

Wefdiga xubnaha Beesha Murusade ee wadatashiyadaas ka qayb qaatay waxay kala ahaayeen:

1- Xildhibaan Mahad Sheekh Cali Cibaar
2- Xildhibaanad Safiyo Xasan
3- Daahir Xasan Xuseen Wasiir kuxigeenka Kaluumeesiga iyo Kheyraadka Badda

Waxaa kaloo saakay oo ay taariikhdu ahayd 07 February 2016 lagu doortay Nabadoonka beesha Karanle ee Gobolka Mudug Nabadoon Macallin Maxamuud Sheekh Maxamed Kulan, iyadoo ay xafladii caleemasaarkuna isla galabta ka dhacday degmada Hobyo iyadoo ay ka soo qaybgaleen dadweeyne aad u badan.

Sida xafladaasi u dhacday, kulamadii oo maqal iyo muuqaal ah la soco goor dhow…………..

Qaranimo online | Toronto

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment