1479 Views

Itoobiya oo qunsul cusub u magacowday Somaliland.

Itoobiya oo qunsul cusub u magacowday Somaliland.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 18, 2018 –Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa Qunsul cusub u magacaabatay degaannada Somaliland kaddib markii dhawaan qunsulkii hore looga yeeray Adis ababa.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u joogi doona Hargeysa waxaa lagu magacaabayaa Shamsudiin Amxed Rooble,waa Soomaali Itoobiyaan.

Waxaa uu horay ahaa danjiraha Itoobiya ee Kenya iyo Jabuuti,waxaa uu sidoo kale noqday xildhibaan, sidoo kale waxaa uu soo qabtay Wasiir ku xigeen.

Dadka xeeriya diblomaasiyadda ayaa ku kala aragti duwanaanday magacaabistiisa markii ay dood ku dhexmartay baraha bulshada gaar ahaanna Twitter-ka

Dadka qaar ayaa u arka magaabista Shamsudiinrajo xumo ku timid hamiga Somaliland ee ahaa in ay xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah la yeelato Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya,waxaana ay magacaabistiisa ku sheegeen in Abiye Axmed uu qaatay soo jeedintii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ahayd in ay Itoobiya  ilaaliso midnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa ay ku doodayaan in Shamsuddiin oo safiir ka soo noqday dalalka Jabuuti iyo Kenya isaga oo matalaya Itoobiyana uu maanta Hargeysa ka shaqeeyo ay tahay guul dhinaca diblomaasiyadda ah oo ay gaartay Somaliland maaddaama safiir waddamo kala duwan ka soo shaqeeyay loo magacabay Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee Itoobiya , Axmed Xasan Cigaal ayaa sheegay in isaga, Qunsulka cusub iyo dad badan oo Somaliland jooga ay yihiin Soomaali –Itoobiyaan.

Waxaa uu soo dhaweeyay magacaabistiisa,waxaana uu xusay in Shamsuddiin muhiim u noqon karo xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment