1056 Views

Askari qof rayid ah u diley Nus Doolar

Askari qof rayid ah u diley Nus Doolar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 19, 2020 –Askariga dilka geystay oo lagu magacaabo Daniel Mburu Wangari ayaa waxa la sheegay in uu diley Nin kamid ah Darawalada Mootada Dhugdhugleyda uga Shaqeysta Magaalada Nairobi.

 

Warbaahinta dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay qorayeen in Darawalka la diley uu Ilmo yar oo ku haftay Wabi iyo Hooyadii dhashay Cunuga uu u soo qaaday Isbitaal si loogu dabiibo.

 

 

 

Hayeeshee waxaa la sheegay in loo diido in uu Mootada la galo Isbitaalka,waxaana askari ilaalo ka haaya Isbitaalka uu ka dalbadey Darawalka Mootada in uu siiyo Nus dollar si uu Gudaha Isbitaalka ula galo Mootada.

 

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa qoray in Daniel Mburu oo ah ninkii mootada waday uu sheegay in uusan heyn lacagta balse askarigii booliska ahaa iyo Daniel Mburu uu dhex-maray muran sababay in Askariga uu Darawalka Mootoolaha uu Xabad Beerka kaga dhufto.

 

Agnes Waheti oo ah hooyada dhashay wiilka isbitaalka la geeyay ayaa sheegtay in iyada oo Isbitaalka ku jirta ay daaqada ka aragtay Ninkii Wiilkeeda Caawiyey oo ay ku dhegan yihiin ilaalada Isbitaalka.

 

“Waxaan u soo baxay bannaanka, si aan u ogaado waxa dhacay, waxaana la kulmay ninkii o xabbad wadnaha lagag dhuftay, kadibna waxaa la geeyay isbitaalkii aan joognay, halkaas ayuuna ku naf baxay,” ayay raacisay.

 

Askarigii falka dilka ah u geystay wadihii Mootada dhugdhugleyda ayaa baxsadey,waxaana goobta banaanbax ay ku dalbanayaan in la soo qabto Goobta ka dhigay dhalinyaro ka careysan falkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment