294 Views

Ruushka oo uga digay Mareykanka isku dhac dagaal oo toosa uu dhex maro labada dal

Ruushka oo uga digay Mareykanka isku dhac dagaal oo toosa uu dhex maro labada dal
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 6, 2022

Go’aanka Mareykanka uu ugu dirayo gargaar militari oo dheeri ah dalka Ukraine, ayaa “wuxuu sii kordhinayaa khatarta isku dhac ciidan oo toos ah,” oo u dhexeysa Ruushka iyo reer galbeedka, maamulka Moscow, ayaa digniintaasi soo gudbiyey.

Safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka, Anatoly Antonov, ayaa sheegay in tallaabadani u danbeysay ay “halis weyn” ku tahay Moscow, isaga oo ku sifeeyay Maraykanka “inuu qayb yahay colaadda,” ka aloosan dalka Ukraine.

Mareykanka ayaa kal hore wuxuu ku dhawaaqay $625m (£547m) oo dheeraada, kaasoo ah gargaar militari ah, oo uu siinayo Ukraine.

Hubka horumarsan ee Maraykanka, ayaa lagu tiriyaa inuu ka caawiyay ciidanka Ukraine, inay dhisato raadaar ka dhan ah qabsashada ciidamada Ruushka.

Ciidamada Ukraine ayaa todobaadyadii la soo dhaafay horumaro la taaban karo ka sameeyay waqooyi bari iyo koonfurta dalkaasi.

Qalabkii ugu dambeeyay ee Maraykanka ee uu usoo gudbiyey Ukraine, ayaa waxa ku jira afar kale oo ka mid ah hababka gantaalada badan ee Himas oo sax ah.

Isku soo wada duuboo, Washington ayaa ku dhawaad ​​$17bn u ballan qaaday maamulka Kyiv taageero militari, tan iyo markii madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku duulay Ukraine 24-kii Febraayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post