1308 Views

Xiisadan dagaal oo ka taagan Degaanka Deefoow ee Waqooyiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Xiisadan dagaal oo  ka taagan Degaanka Deefoow ee  Waqooyiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

April 24-2021

Xiisadan dagaal ayaa waxaa ay Maanta ka taagan tahay Degaanka Deefoow ee  Waqooyiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana ay u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan degaankaas.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisada ay salka ku heeyso  dadka degaankaas oo ku kala qeybsamay dhismaha Buundo la sheegay  in  laga dhisayo Wabiga maro degaanka Deefoow si looga hortago fatahaada Wabiga Shabeelle.

Qof kamid ah dadka ku nool degaanka Deefoow ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi ballararan oo ku aadan inay laba maleeshiyo dagaaamaan, kuwaas oo isku hor-fadhiya degaanka, isla markaana sababai karta inay dagaalamaan.

Masuliyiin kaTirsan Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiye ee Faafeer ayaa shalay Halkaas tagay, iyaga oo markii dambe kulamo ay laqaateen Odayaasha Labada dhinac aan wax nayijo ah laga gaarin.

Maamulka Hir-Shabeelle oo la sheegay inay  Cashuureen Dhismaha Buundadan ayaan wali  ka hadlin Xiisad dagaal ee  kataagan degaanka Deefoow taaso Sababi karto Gacan ka hadal dhex-mara labada maleeshiyo Beeleed oo hubeysan.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post