1128 Views

Diyaaradaha dagaalka Yahuuda oo weerar xagga hawada ah ku qaaday dhismooyin dalka Syria ee Dimishiq.

Diyaaradaha dagaalka Yahuuda oo  weerar xagga hawada ah ku qaaday dhismooyin dalka Syria ee Dimishiq.
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 17, 2021


Diyaaradaha dagaalka Yahuuda ayaa weerar xagga hawada ah ku qaaday dhismooyin dawladu leedahay oo ku yaala koofurta magaalada caasimada u ah dalka Syria ee Dimishiq.


Warbaahinta dawlada Syria ayaa sheegtay in 2 gantaal ay ku dhaceen dhismo cidlo ahaa oo dawladu leedahay lamana sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay.


Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada cirka dalkaas ay sidoo kale hawada ku burburiyeen gantaalo kale diyaaradaha Israel.


Xukuumadda Yahuudu kama ay hadlin weli weerarkaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post