8070 Views

RW Cabdirisaakh Xaaji Xuseen iyo RW Xasan Cali Kheyre Xaggee isaga mid yihiin?

RW Cabdirisaakh Xaaji Xuseen iyo RW Xasan Cali Kheyre Xaggee isaga mid yihiin?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | Febaraayo 23, 2019 – Marka la doonayo in la isgarab dhigo dhacdooyin taarikheed oo kala xilli ah ama la qiimeynaayo laba hogaamiye meelaha ay isaga mid yihiin, waxa markastaba loo baahan yahay in la adeegsado fiirooyin la xiriira qiimeynta noocyada dhacdooyinka meelaha ay isaga mid yihiin iyo taarikhyahanada wadiiqada ugu sahlan ay u maraan falanqeynta iyagoo adeegsanaya sawirka ugu saxsan in lagu xusho dadka la xaqiijiyey inay door lixaad leh ku leeyihiin taarikhda bulshada, ayadoo la isgarab dhigaayo dhacdooyinkii hore iyo markaynu hadda joogno.

Haddaba mowduuca qoraankani waxaan ku qiimeyn doonnaa in aan isbarbardhigo meelihii ay isaga midka ahaayeen Cabdirisaakh Xaaji Xuseen iyo Xasan Cali Kheyre si aan u ogaano labada xilli taariikheed wadcigii uu taagna dalkeena, dhibaatiyinkii ballaarna ee ka hor yimid, caqabadihi ku lug lahaa hiigsashada hadafkooda, aragtida ay ka qabeen mustaqbilka, himiladoodii iyo niyaddoodi siday aheyd, iyo horumarki ay ka gaareen fulinta hadafkooda iyo gebagebada natiijooyinki laga dhaxlay.

Ka hor inta aynaan bilaabin mowduuca, waxa lagama maarmaan ah in aan tilmaamo taariikh nololeedka labada re’iisal wasaare, waxaan kaloo falanqeynayaa sidii xil weyn ay isaga saareen tallaabooyinki dib loogu habeynaayey siyaadadda, dhaqaalaha, gaashaandhiga iyo nabadgalyada dalka.

TAARIKH NOLOLEEDKA LABADA RE’IISUL WASAARE

Marka ugu horeysa, haddii aan ku hormaro mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (AUN) taarikh nololeedkiisa iyo sida laga wariyey, wuxuu ku dhashay magaalada Galkacyo sanadkii 1924kii, wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii leegada, isagoo jira 20 sano wuxuu ku biiray ururkii naadiga dhalinyarada Soomaaliyeed SYC oo ka dibna isku badelay Ururki Dhalinyarada Soomaaliyeed SYL. Doorkii Cabdirisaakh ku lahaa taarikhda Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa dhalintii Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ahaa ee suura galiyey Soomaaliya inuu gumeysi isaga baxo oo Soomaaliya ay noqoto qaran madaxbanaan. Markii la soo gaaray sanadkii 1955kii mudane Cabdirisaakh waxaa loo doortay xoghayihii guud ee ururka SYL, dadaalki xisbiga iyo halgankii ummadda Soomaaliyeed wuxuu dhaliyey 1dii Juulay 1960kii inay dhalato Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka kooban Koonfur iyo Waqooyi.

Waxa la dhisay dowlad ku meel gaar ah oo talada heysa illaa dastuur cusub laga sameynayo, saa awgeed mudane Cabdrisaaq Xaaji Xuseen wuxuu ka mid noqday xukuumaddii ugu horreysey uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AUN), wuxuuna noqday wasiirka arrimaha gudaha sanooyinki u dhexeysey 1960kii ilaa 1962kii. Isla sanadki 1962kii, waxaa loo magacaabay wasiirkii howlaha guud iyo is-gaarsiinta wuxuuna xilkaasi hayey sanadihii u dhexeysey 1962kii ilaa 1964kii. Markii la soo gaaray 30kii Maajo 1964kii, waxa dalka ka dhacay doorashadii goleha guud ee ummadda, waxa doorashadaa ku guuleystay xisbigii SYL, waxa madaxweyne loo doortay mudane Aadan Cabdulle Cusmaan, waxa uu isna Re’iisul wasaare u doortay mudane Cabdrisaaq Xaaji Xuseen 6dii Juunyo 1964kii.

Haddaan u gudbo mudane Xasan Cali kheyre taarikh nololeetkiisa iyo wixii uu ku sifeysnaa, waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho 15kii Abriile 1968kii, waxbarashadiisa hoose iyo tii sare wuxuu ku dhameystay magaaladda Muqdisho. Dagaalkii sokeeye iyo sanadihii colaadeed ee xigay wuxuu ku noolaa dalka Norway, halkaas uu ku dhameystay waxbaradhadiisa illaa uu ka gaaro darajada Master Degree. Wuxuu ka soo shaqeeyey dalka Norway, sidoo kale wuxuu muddo ka soo shaqeeyey arimaha samafalka iyo bani’aadamnimada, wuxuu maamule sare ka noqday Hay’ada Qaxootiga Norway (NRC) laanteeda qaabilsan Bariga Afrika. Marka la eego hawlihii bani’aadamnimo uu ka soo qabtay dalalka Afrikada Bari oo ay ku jirto Soomaaliya waxa ka mid ahaa hagaajinta nolosha dadka Qaxootiga sida inay helaan adeegyada caafimaadka, kuwa waxbarshada, qorsheynta qoyska, helitaanka biyo nadiif ah, fursadaha xirfadaha iyo daqli abuurka.

Bishii Febraayo 8dii 2017kii waxa dalka Soomaaliya ka dhacday doorasho, waxa madaxweyne loo doortay mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu isna markaasi re’iisal wasaare u doortay mudane Xasan Cali Kheyre bishii Febraayo 23kii, 2017kii.

Haddaynu intaa ka soo gudubno, waxaan eeggi doonnaa meelihii ay isaga midka ahaayeen labada re’iisul wasaare gaar ahaan marki ay xilka qabteen daruufihii hor yiilay iyo wax qabadkooda xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha dibadda. Waxaan ka cudur daaranaya qoraalkani inaan loo arag mid lagu dhaawacayo sumcadda xukuumadihii ka horeeyey labada re’iisal wasaare. Marka wixii wanaag leh la sheegayo ama la doonayo in lagu dhiririyo wax kastoo xun ma aha in la sheegi waayin, micnahu waxa weeye wixi ummadda loo qabtay wixii fiicanna iyo dadkii qabtay waa in la sheega si taarikhda ay qeyb ugu noqdaan. Ma dhici doonto xaqa in laga dhuunto oo la sheegi waayo keeba Soomaali wax taray? Keeba si ikhlaas ah ugu shaqeeyey? Keeba ka xanuunsaday rafaadka iyo foolxumada dalka tiilay, iyo keeba ogolaan waayey Soomaali in la kala dulaalo oo qiimaheeda ummadnimo lasku jabsho?

XAGGA MAAMULKA IYO SIYAASADDA

Dhinaca siyaasada mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Res’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxa labaduba soo magacaabay labo madaxweyne oo shicibka Soomaaliyeed ay aad u jecel yihiin (Adan Cabdulle Cusmaan iyo Maxamed Cabdulladi Farmaayo), waxay labaduba ka siman yihiin dhinaca waddaniyada iyo dal jacelka, waxay ka siman yihiin mabda’a siyaasiga ee mideeya ummadda ee lagu gaari karo Soomaali idilkeed inay wada noolaato oo ay gaarto heer ay ku difaacan karto ummadnimadeeda, sharafkeeda, wadankeeda iyo aayaha dhasheeda dambe.

Sida in badan oo daneeya taarikha dalkeena waxay xaqiiq ahaan u arkaan labada re’iisal wasaare inay ka sinaayeen kartida dib-u-habaynta hay’adaha dawlada, nidaamyada wax cusbooneysiinta, hindisaada iyo isku-dubaridka. Waxay ahayeen labadii re’iisal wasaare ugu da’da yaraa ee qabta xafiiska re’iisul wasaaraha Soomaaliya iyagoo aan gaarin da’da kontanka.

Waxay labaduba xafiiska re’iisul wasaaraha kala wareegeen Wiil iyo Aabihii (Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cumar Cabdirshiid Cali). Labaduba waxay la wareegeen xukuumado aan hagaagsaneyn oo fulintooda ay aad u adag tahay. Labada re’iisal wasaare waxay xafiiska la wareegeen iyadoo siyaasadda dalka aysan laheyn ujeedo guud ama mid dowladeed aan lagu tilmaami karin, dhaqaalaha dalka waxa uu joogay heerkii ugu hooseeyey, waxa hoos u dhac balaaran ka muuqday miisaaniyada dowladda iyo tii ganacsiga dibadda, waxa dalka ka jirtay shaqo la’aan baaxad leh, ku xadgudubka sharciga iyo dagaalada qabiilkuna waxay ahaayeen kuwa maalin walba taagan, cadaalad iyo badbaado in la helo looma soo jeedin, waxyaalahaasi oo dhan waxay niyad jab weyn ay ku rideen shicibka Soomaaliyeed.

CABDIRISAAKH XAAJI XUSEEN

Marka hore waxaan doonaya in aan dib ugu noqono taarikhda dalkeena oo aan isweydiino marxaladii uu taagnaa wadankeenna xukuumadii Cabdirisaakh horteed, waxaa ku soo baxeysa jawaabta ah in dalkeena uu ku sugnaa xaalad xun ha ahaato xag siyaaso, xag nabadgalyo iyo xag dhaqaale intuba. Haddaan fiiro kooban u yeelano dhinaca siyaasada haba yaraatee ma jirin siyaasad qorsheysan oo lagu maamulo dalka, qaabki bulshada lagu maamulaayey kama marneyn qabyaalad iyo nin jecleysi, siyaasada dalka waxay aheyd gole lagu gorgortamo ayadoo loo dulaaltamayo midba kan kale intu ka laandheersan yahay, ka borobagaando badan yahay, ka buuq badan yahay, ka afmiishaarsan yahay. Dowladnimada qabiil iyo jilib ayaa loo qeybsan jiray, hantidii dalkana intii talada heysay ayey ku koobneyd.

Sababihii ugu waaweynaa ee hortaagna dalka inuu yeesho siyaasad horujeed ah waxay aheyd hogaankii dalka oo wax ku maamulaayey qabyaalad, isdaba marin iyo eex. Qabyaaladda iyo nin jecleysiga waxay aheyd midda loogu adeego arrimaha bulshada, leysku siiyo fursadaha shaqada iyo deeqaha waxbarashada. Qabyaaladda waxay gaartey heer qabiil iyo jilib waliba uu dowlada ku yeesho wasaarado iyo wakaalado si looga hanti geysto xoolaha ummadda ka dhexeeyay, halkaana waxaa lagu waayey danti guud ee ummadda. Xiliga doorashooyinka waxa la qaban jiray shirar gaashaanbuursi qabiil ah, waxaana qarashka lacagta ku baxda laga bixin jiray hantida dadweynaha leeyahay, taana waxay khatar galin jirtay miisaaniyadda dowlada iyo dhaqaalaha dalka.

Waxa xilalka sare ee dalka qaban jiray afmiishaarki suuqa fadhin jitay halkii ay mudneyd in uu dalka hogaansho ninkii istaahilay xag aqoon, xag masuuliyad iyo xag waddaniyad intuba. Madaxda intooda badan waxay aaminsanayeen mabda’a ku dhisan “rag sameyso”, waxay ku dadaaki jireen inay rag ku qabiil ah qortaan, rag hadhoow daafaca ama u hiilaya, markii halkaa ay gaartay waxa la waayey nin isku dayo inuu Soomaali sameysto, waxaana halkaa ku lumay sharafkii magaca siyaasiga iyo aqoontii loogu adeegayey dalka, maxaa yeelay dadkii xilalka hayey cilmi iyo karti uma laheyn shaqooyinka loo dhiibay ee mushaarka ay ku qaadanayeen.

Waxa la gaaray in wixii laga xishoon jiray lagu xaragoodo, in sharciga uu qofka ka weynaado oo nabadgalyadii dalka ay khatar gasho. Xaaladi xumeyd uu dalku gaaray waxa la arki jiray qof wax dilay ama mid boobay xoolihii dadweynaha oo xukun ku dhacay oo wadada iska laafyoonaya ka dib markii xildhibaanki ama madaxdii ku qabiil aheyd ka soo furtay xabsiga, taana waxay niyad jab u keeni jirtay cadaalada. Kol haddii aysan jirin danguud oo nolosha bulshada lagu maamulo, qabyaaladii iyo musuqmaasuquna gaaray heerkii ugu foosha xumaa, waxa gebi ahaan lumay kalsoonidii danaha ummadda loogu adeegayey, taana waxay niyad jab u keentay dadweynihi Soomaaliyeed ee 76 sanadood u soo halgameysay madaxbanaanida oo mar uun sugaayey inay dhadhamiyaan gobannimada macaankeeda.

Dayacii bulshada iyo inaan dhegta loo taagin cabashadii ka soo yeereysay shicibka waxay dhalisay in bulshadi ay noqdeen kuwa kala daadsan oo wax xiriir ah aan ka dhaxeyn iyaga iyo madaxdooda. Waxa bulshadii ku faafay cudurki madaxda ku maamuleysay dalka oo ahaa qabyaaladda, daneysiga, quursiga iyo eexda, waxayna taa keentay qof waliba oo ka mid ah bulshada inay ku beerantay inuu dantiisa gaara ah ka fakaro isagoo aan fiiinin danta guud ee ummadda.

Xaaladda dalka oo sidaa ah, raalina laga yahay maalinba maalinta ka dambeysa dalka sii xumaanayey ayaa re’iisal wasaare waxa loo doortay mudane Cabdirisaakh Xaaji Xuseen. Mudane Cabdirisaakh wuxuu isku dayey in uu baabi’iyo xaaladdi gudaha dalka ee sidaa u tiilay, 15kii Juun 1964kii wuxuu soo dhisay xukuumad ka kooban 13 wasiir oo qabiil iyo gobol gobol aan loo qeybsan. Golehii guud ee ummadda waxay u diideen inay cod kalsooni ah siiyaan xukuumadi uu soo dhisay, saa awgeed Re’iisul wasaare Cabdirisaakh wuxuu madaxweynaha u sheegay in uu xilkiisa iska casilay. Mudane Aadan Cabdulle waa ka diiday codsigii ra’iisal wasaaraha wuxuuna faray marlabaad inuu soo dhiso xukuumad kale. Waxaas oo dhan intii ay dhacaayeen dalka wuxuu dowlad la’aan ahaa ilaa laga gaaro bishii Sebtember 27dii 1964ki oo ku begneyd markii re’iisal wasaaraha soo dhisay xukuumadi labaad isagoo ka laabtay aragtidii uu markii hore qabay, waxayna noqotay in golehii siiyey cod kalsooni ah markii ay heleen sida ay rabeen.

Dowladii Cabdirisaakh waxay isku dayday inay isbedel dhaliso, wuxuu la yimid hab sareeya uu mujtamaca ku gaarsiiyo horukac dhaqso leh xag dhaqaale iyo xag siyaasad intaba. Habkaas baaqiisu wuxuu ahaa KARTI & HUFNAAN. Re’iisal wasaaraha wuxuu aaminsanaa shaqo qof la’aanteed ma dhisanto, marka hore waa in qofku yahay mid dhisan, oo ka dhisan xagga aqoonta, ka dhisan waddaniyada, ka dhisan Soomaalinimada. Shaqada wanaagsan uu qofkaasi qabto waa meesha dhaqaalaha iyo siyaasada dalka ka dhisanto, saa awgeed wuxuu ku dhaqaaqay in siyaasadda dalka uu ka xoreeyo dhibaatooyinki heystay, wuxuu ku dadaalay inuu dhiso dowlad horumar deg deg ah gaarsiisa Soomaaliya isla markaana dowladnimada ka suulsho daneystayaasha u bartay inay kaligood wax cunaan oo boob ku hayey xoolaha dadweynaha.

Mudane Cabdirisaakh waxa uu sameeyey komishan dib u habeyn ku sameeya tayada shaqaalaha dowladda si wax looga badelo habkii hore ee shaqaalaha dowladda ku shaqeyn jiray, iyadoo la tixraacayo talooyinkii gudiga Qaramada Midoobay uu hogaaminayey aqoonyahanki Paolo Contini oo ka shaqeynaayey is-dhexgalka labada maamul ee Waqooyi iyo Koonfur iyo sidii loo mideyn lahaa oo loo tayen lahaa labada maamul ee ka soo kala jeeday laba mustacmarad oo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Cabdirisaakh waxa uu in muddo ah la socday tayada shaqaalaha iyo musuqi ku beernaa ha’addaha dowladda, waxyaalahaasi oo dhan intii ay dhacaayeen wuxuu dusha kala socday kuwa dhibaatada ku hayey dalka, saa awgeed marki uu la waregay xilka re’iisal wasaaraha waxa uu la yimid liis dheer ay ku qoran yihiin raggii Soomaaliya qaribay ee ka koobna wasiiro, agaasimayaal, barasaabyo, ambaasadoro iyo shaqaale sare iyo kuwa hoose. Wuxuu ku dhaqaaqay sedex qeybood inuu ka nadiifiyo shaqaalaha sare ee dowladda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: kuwa faraha kula jira musuqmaasuqi lagu dhaawacay dhaqaalaha dalka, kuwa aan laheyn karti iyo qibrad ay ku gutaan xilalka ay hayaan iyo kuwa ku lug lahaa hawlaha basaaska ee siraha qaranka u gudbinaayey shisheeyaha.

Inta uussan ka qaadin xilalka, wuxuu hay’adaha dambi baarista Booliska ka codsaday inay shaqsiyaadkaasi soo baaran, ugu dambeyntii, waxa dambi lagu helay oo shaqadii laga eryey ku dhawaad 200 oo ka mid ah shaqaalaha sare ee dowladda iyo in ka badan 500 oo shaqaale caadi ah oo dhamaantood ku sifoobay sedexdii qeyb uu doonayey inuu ka suulsho dowladnimda. Re’iisal wasaaraha wuxuu xoogga saaray in la tayeeyo shaqaalaha dowladda, bishii Janaayo 1965kii waxa la aasaasay Macadka Maamulka Dawladda iyadoo dhinaca farsamada gacan laga helay hay’ada Qaramada Midoobay si kor loogu qaado xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha dowladda oo lagama maarmaan u aheyd adeega bulshada.

Wuxuu illaa xad ah tirtiray musuqmaasuqii iyo eexdii dalka tiilay, wuxuu hormarshay habka maamulka xafiisyada, halqabsigiisu wuxuu ahaa “l’uomo giusto al posto giusto” oo macnaheedu yahay “qofka saxda ah iyo booska saxda ah” wuxuu kaloo halqabsigiisu ahaa “yaad taqaan looma baahnee maxaad taqaan”. Mudane Cabdrisaakh si kastaba xukuumadiisa wuxuu ka ilaalshay musuqii lagu dhaawaci jiray xoolaha dadweynaha ee sida deg dega ah looga taajiri jiray. Wuxuu isku dayey dalka inuu ku hogaansho dariiqa toosan, horey u dhigo dhaqaalha dalka, xoojiyo nabadgalyada qaranka iyo cadaalada bulshada.

XASAN CALI KHEYRE

Markii aan ka hadleyno dhinaca siyaasadda xukuumada mudane Xasan Cali Kheyre waxa imaaneysa su’aasha ah wadcigee ayuu dalku taagnaa? Su’aashan jawaabteeda lama fahmi karo haddii aan dib loogu noqon taarikhda. Waxa la ogsoon yahay Xasan Cali Kheyre markii uu la wareegay xilka re’iisal wasaaraha waxay ummadda Soomaaliyeed ku sugneyd taarikh foolxun oo aad ugu liidatay heerki Soomaaliya taagneyd kontameeyadii oo ku beegneyd markii Ummadaha Midoobay u ogolaatay in Talyaanigu maamulo Soomaaliya muddo tobon sanadood ah, kana shaqeeyo tobankaas sanadood inuu Soomaaliya u dhiso maamulka laamaha dowlada, siyaasada, dhaqaalaha, waxbarashada, garsoorka iyo xoogii gaashaanshiga ee Soomaaliya illaalin lahaa. Tobonkaas sanadood iyo intii ka dambeysay gobannimadda illaa laga soo gaaro burburkii dawladdii dhexe iyo sannadihi xigey ee ka soo wareegatay 67 sanadood waxa burburay dhamaan maamulka laamaha dowlada iyo kaashabayaashii dhaqaalaha dalka.

Mudane Kheyre wuxuu xilka re’iisal wasaaraha la wareegay iyadoo Soomaaliya ay burbursan tahay oo caalamka u yaqaan dal-guuldareystay oo hoy u ah argagaxisada caalamka iyo siyaasiyiin qabqablayaal fashilmay oo cadeystay Soomaaliya inaysan waligeed dib u soo laaban. Wuxuu u yimid iyadoo dalka Soomaaliya u jajabay gobolo iskood u taagan oo aan xasilneyn; iyadoo siyaasadda dalka lagu maamulo aysan laheyn qorsheyn iyo istraatijiyad guud; xagga maamulka dowladda wuxuu ahaa mid aad u hooseya; waxayna maamuladi ka horeeyey isaga mid ahaayeen karti xumida, wax cusbooneysiin la’aanta iyo hindisa la’aanta; shaqaalaha dowladana waxay caan ku ahaayeen musuqmaasuqii lagu dhaawacay dhaqaalaha dalka.

Sida la ogsoon yahay fulinta qorshayaasha dhaqaalaha, amniga iyo siyaasada dowladda waxay ku xiran yihiin inay jirto xukuumad karti u leh inay fuliso qorsheyntaas, kartidaas wax lagu fuliyo ma jirin, taana waxay keentay horumar la’aan sababtay nolashi ummadda Soomaaliyeed inay ku xiranto baryada kaalmada shisheeyaha. Musuqmaasuqa, eexda iyo nabadgalyo darida wuxuu ka xumaa xiligii Re’iisul wasaare Cabdirisaakh, habka shaqada dowlada u socotay waxa xilalkooda faraha loo galshay qaa’iin, jawaasiis u adeega dalal shisheeye iyo mid uu keenay kaaba qabiil oo aan laheyn aqoon uu ku guto xilku u hayo balse meesha u yimid raacdeynta xatooyada xoolaha dadweynaha.

Ku dhaqanka qabyaalada iyo eexda waxay ahayd wax aan laga xishoon oo laga doorbiday in loogu shaqeeyo qaran ummadiisa burburtay, heerka musuqmaasuqa gaaray mararka qaarkood waxa istaagi jiray hawlihii dowladnimda iyadoo madaxda dalka dano gaar ah iyo xilal ay isku qabtaan, xoolaha dadweynha iyo xaraashka danta guud waxa loo isticmaalayey motion wax lagu rido ama mid wax lagu difaaco iyo doorashiiyinka yeel ama ha yeelin lagu soo saaro ninkii la watay. Intii musaqa iyo maaltacabka xoolaha dadweynaha lagu sii jeeday waxa faraha ka baxay nabadgalyadii oo afarta jiho ee caasimadda dilka, qaraxa iyo xatooyada waxay noqdeen arrimo caado ah oo dharaar waliba taagan iyadoo shacabku gaaray heer uu qofku naftiisa amaan iyo badbaado u waayey oo qofna uussan hubin inuu ku laabto gurigiisa haddii u ka soo baxo.

Waxa taas ka sii fool xun ma jirin dhaqaale qosheysan oo lagu fariisiyey in wax looga qabto amniga dadweynaha, waxa la boobi jiray mushaarki ciidamada oo bilo maqnaan jiray taana waxay keentay in aminigii dayacmo oo har cad boqolaal dad ah oo aan waxba galin ku la’daan qaraxyada, madaxda dalkana arxan iyo danna aan laga galin. Siyaasadi dalka lagu maamulaayey waxay ku dhineyd gaashaanbuursi qabiil, xililka ugu sareeya dalka waxa lagu qeybsan jiray sida loo kala qabiil weyn yahay iyadoo haba yaraatee aan la fiirin cadaalada beelaha kale ee Soomaaliyeed ee laga tiro badan yahay. Ku dhaqanka qabyaalada, eexda iyo musuqmaasuqa waxay intaba ahaayeen siyaasad qaran oo madaxtooyada dalka ugu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Habkaas foosha xun ee dalka iyo dadkaba lagu maamulaayey wuxuu keenay inay luntay kolsoonidii lagu qabay madaxda Soomaaliyeed oo ay dhimato qiiradadii waddaniyadda, damqashadii daljecelka iyo rajadii ummadda ay ka qabtay. Markii bulshada loo turi waayey oo dhinac walba looga hantigeystay, waxay gaartay in qof waliba naftiisa la cararo, bulshadiina ay ku beeranto kalsooni la’aan, nin walboow naftaa iyo figrada ah maxa dalka iiga jira haddu bohol ka dhacaayo.

Markii madaxda dalka ay ka leexdeen dantii bulshada, oo ay u go’een bursashada maaltacabka xoolaha dadweynaha iyo xaraashka danta guud waxay dhalisay in dhalinyarada oo ah mustaqbilkii dalka in maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dhimato rajadi ay qabeen iyo inay ku sii noolaadan dalka, taana waxay keentay inay dalka ka cararaan oo u tahriibaan dalka dibadiisa kuna la’daan badaha iyo lama degaanada adduunka, kuwii ka badbaadeyna ku silcaan xabsiyada adduunka.

Dowladihii ka horeyeey xukuumadi Xasan Cali Kheyre iskuma dayin in dhegta loo taago qeylada ka soo yeereysay bulshada Soomaaliyeed, heerkaas foolxumada badan marku dalku gaaray, siyaasadi dalka lagu wadayna noqotay maaltacabka ku dhisan “ka dhufso oo ka dhaqaaq”, qof walba oo qiiro waddannimo, qiiro Soomaalinimo ay ku jirto wuxuu Alle ka baryey in habkaan wax dhaama Alle u keeno. Wadcigii dalka oo sidaa ahaay waxa badeli karay oo kaliya in Eebbe soo diro madax daacad ah oo damaanad qaada inay ururiso ummaddi silicsaneed, bulshadii kala qeybsaneyd, kadibna soo nooleyso sharafkii Soomaaliyeed ee tirtirmay.

Nasiibwanaag isbadelkii la sugaayey wuxu samada ka soo degay 8dii Febraayo 2018kii, oo ku beegneyd doorashadii dalka ka dhacday oo lagu doortay madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo farxad darteed dadweynaha Soomaaliyeed ku muujiyey taageeradooda banaanbaxyadii isdaba jooga ahaay iyo hambalyadii ay ka soo direen shacabka Soomaaliyeed xagalkastoo ay ka joogeen daafaha caalamlka, sababtuna aheyd in dadweynuhu ay sugaayeen isbadel cusubi inuu dhaco, isbadelkaasina soo celiyo niyaddii dadka Soomaaliyeed ka xumaatay.

Sidoo kale isbadalkii dhacay dalka wuxuu daaha ka rogay qofkii labaad ee la sugaayey inuu noqotay mudane Xasan Cali Kheyre. Nasiibwanaag waxay labadoodi isku baheysteen inay wax ka bedelaan xaaladi rajo beelka dalka heysatay iyo kalsoonidi la waayey. Res’iisul wasaare Kheyre wuxu horey ula socday siyaasadda jahwareerka Soomaaliya iyo dhiigmiiradka ummadda lagu hayey, wuxuu isku dayey in uu wax ka bedelo wadcigii dalku ku sugnaa gaar ahaan inuu wax ka bedelo maamulka dowlada iyo nolosha bulshada ay ku sugneyd. Wuxuu la yimid barnaamij shaqo oo xididada loogu siibo arimahaas foosha xun ee ku dhafan nolosha bulshada iyo midda siyaasiga. Qorshahaas uma suuroobi karin inuu ku shaqeeyo ama ku tirtiro foolxumadii dalka tiilay isagoo aan helin waxyaqaan daacad ah oo ku hubeysan wadanniyad iyo abuur Soomaalimo oo xalaal ah.

Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu la yimid aydiyoloojiyad iyo barnaamid siyaasadeed oo lagu hogaansho dalka kuna dhisan mabda’a NABAD IYO NOLOL oo looga golleeyahay sidii shicibka Soomaaliyeed looga xoreyn lahaa xumaantii dalka tiilay ay ka mid ahaayeen: nabadgalyo xumida, dib u dhicii dhaqaalaha dalka, boobkii lagu hayey maalka dowladda ee ummadda ka dhexeeyey, shaqa la’aanta dhalinyarada, hoos u dhicii miisaaniyadda dowladda iyo waxyaabo badan oo niyad jab weyn ku riday daweynihii Soomaaliyeed.

Isbedelka Kheyre doonaayey in lagu dhaqaaqo ma aheyn mid sahlan oo sanado badan lagu suulan karo, waxa ka sokeeyey dhibaatooyin badan oo haddii aan hadda xusno qoraxdu way inoo dhaceysa waagana waa inoo beryeyaa. Dhinaca siyaasadda gudaha wuxuu Kheyre isku dayey inuu xididada u aasso xukuumad wanaagsan oo si buuxda ugu adeegta shicibka Soomaaliyeed oo ka fog maamul xumo iyo musuqmaasuq. Wuxuu la yimid howl iyo waxqabad ku dhisan is-xisaabin, qorsheyn iyo jaangooyo. Xagga edbinta shaqada, Kheyre wuxuu u muuqday nin aaminsan qofka xil qabanaya waa inuu ka soo baxaa waajiba shaqada loo diray, haddii ay muuqato qofka in uussan ka soo bixin xilkiisa ama karti iyo awood xun yahay waa in uu baneeya xafiiska, waa in qofwaliba inta ay gaarsiisan tahay heerka aqoontiisa la geeyo, waa in qofka aan loo dhiibin howl uussan qaadi karin si aan loo cuuryaamin horukaca bulshada.

Sidoo kale waa in qofka shaqaalahu noqdaa hawlkar, waa inuu u jajaban yahay shaqada, waa inuu yahay fuliyaha go’aannada xukuumadda, waa inuu ku shaqeeya sidii loo tilmaamey balse uussan jeebka kala soo bixin siduu rabo, waa inuu ku socdaa dhabe xukuumadda ay isla og tahay. Mudane Kheyre wax qabadkiisa waxa ka mid ahaa siduu xukuumadiisa u nidaamiyey oo wasaaradkastaa u qorsheeyey inay fuliso waajibaadkeeda iyo mudada ay ku fulineyso isagoo wasaaradkastaa kula xisaabtamay wax qabadkeeda.

Xukuumadda waxay ku tallaabsatay inay wax ka qabato sedexda cudur ee 30kii sano dalkeena burbursanaa loo hormaray, kuwasoo ay ka mid yihiin dowlad xumo, nabadgalyo xumo iyo bursashada gargaarka caalamka. Kheyre wuxuu dagaal lixaad leh ku qaaday arrimahaas foosha xun si looga suulsho dowladanimda iyo maskaxda dadka Soomaaliyeed. Wuxuu carada u rogay xididana u siibay habkii hore lagu socday, taasina waxay dhalisay waqti gaaban inay xukuumada horumar ka gaartay maamul xumadii dalka tiilay, oo dagaal lagu qaaday intii u hanqal taageysay masuqmaasuqa iyo isdaba marinta, oo badankoodi laga dhigay wax la xiray iyo wax xilalka laga tiriyey.

Xukuumadda waxay ku dadaashay muddo gaaban inay soo nooleyso niyadii Soomaaliyeed ee dhimatay oo dhiig cusub lagu shubo ruuxi Soomaaliyeed ee muddada dheer koomada ku jirtay. Waxa la soo nooleeyey qabkii Soomaali lahaan jirtay, waxaa boorka laga jafay magacii Soomaaliyeed ee habaaska fuulay, waxaa bohol dheer laga soo saaray dowladnimadii Soomaaliyeed ee duuganteyd 30kii sano ee dalka burbursanaa, taana waxay keentay in dadku gaareen heer Soomaalinimadii laga faani jiray lagu faano. Waxa dagaal qaraar lagu qaaday kadeedki foosha xumaa oo idil iyo kuwii Soomaalida dhibaatada ku heyn jiray, kuwii liitay ee Soomaalida kala fogeyn jiray, kuwii xoolaha ummadda boobi jiray oo aaminsaa adiga uun noolow, kuwii iimaan laawayaasha ahaa ee lacago sandareerto ka soo qaadan jiray shisheeyaha ee Soomaali wadajirkeeda, magaceeda iyo quwadeedi liciifin jiray.

Waxa dagaal lagu qaaday aqoondarida oo ay dhaliyaan nabadgalyo xumida iyo gaajadda. Kheyre wuxuu ogaa aqoonta bani’aadamka inta ay gaarsiisan tahay in dalkastaa nolashiisa ku xiran tahay. Wuxuu kaloo ogsoona ummadda adduunka inay kala kormariyeen aqoonta ay mid waliba gaartay, saa awgeed Xasan Cali Kheyre wuxuu ogsoona in waddankeena dhismihiisa iyo horukaciisa midnaba uusan suura gali karin haddaan marka hore aqoonta dhalinyarada aan kor loo qaadin. Tallaabadii xukuumadda qaaday waxa ay aheyd inay dhiiragaliso baahinta tacliinta, laga shaqeeyo in dalka yeesho manhaj guud oo la tayeeyo waxbarashada dalka, la qorsheeyo in la soo wareejiyo iskuulaadi danta guud ee xukuumadihii hore ay xaraasheen.

Xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxay kaalin weyn ka qaadatay in dib loo soo nooleeyo shacuurti wadaniyada, dal jaceylka iyo wadashaqeyn ku dhisan in loo guntamo inaan dalkeena wada dhisano, taana waxa marqaati ka ah sida shaqaalaha xukuumadda ay horseed ugu noqdeen inay xil isaga saareen barnaamijka ololaha isxilqaan uu daahfuray madaxweynaha Soomaaliya ee lagu dhisaayey xarumaha danta guud sida: Tiyaatarka, Matxafka, Maktabada Qaranka iwn.

Xukuumadda waxay kaloo xil qaayo weyn iska saartay daryeelka dhalinyarada iyo kaalinta ay kaga jireen dhismaha bulshada. Waxa la qaban qaabshay in sare loo qaado niyadoodi dhimatay, in shaqooyin la siiyo, waxa loo dhisay goobo ay ku ciyaaraan, waxa loo qaban qaabiyey tartankii ciyaaraha gobolada, tartankii kooxaha magaalada madaxda, Soomaali waxay qeyb ka noqotay ururada isboortiga adduunka, taasina waxay keentay in calankeena habaaska fuulay boorka laga jafo oo dhalintii isbooriga geeyaan meelo fog fog oo addduunka ah ka mid ah. Waxa dib loo soo celshay dhalinyaradii dalka ka tahriibtay ee ku silicsanaa xabsiyada adduunka ee ka cararay rajo beelkii dalka yiilay xukuumada Kheyre horteed.

Xukuumadda waxay dagaal kula jirtaa mucaaradka aan waxba dhiseyn ee aaminsan mabda’a fowdiga (Anarchism), waxa labaduba ka dhexeeya dagaal, waxay isku yihiin cadow, mana wada joogi karaan. Mabda’a Fowdiga wuxuu aaminsan yahay in dowladnimadu ay tahay awood hor taagan qofka iyo xoriyadiisa, saa awgeedna aan loo baahneyn dowladnimada jiritaankeeda. Wuxuu kaloo mabda’an aaminsan yahay in dadka loo daayo sida ay rabaab inay u noolaadan, waxay doonaan ku kacaan, loomana baahna sharci iyo khawaaniin la cuskado.

Xukuumadda waxay mabda’a Fowdiga kaga duwan tahay, waa midda u adeegta danta guud, waxay dajisa horumarinta qaranka xagga dhaqaalaha, siyaasadda, gaashaandhiga iyo garsoorka, waxay masuul ka tahay nabadgalyada qaranka, waxay ilaalisa qeyraadka dalka; waxay fidisaa waxbarsho iyo caafimaad, waxay dhawrtaa magaca iyo haybada ummadda Soomaaliyeed. Saa awgeed xukuumadda iyo mabda’a Fowdiga waxa ka dhexeeya dagaal joogta ah! Waa sababta xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay u aaminsantayay midka aan ummadda la socon karin ee aaminsan mabda’a fowdiga ee sidii dhagax horyaala horukaca shicibka waa in laga hor wareejiyaa ummadda.

Hadal iyo dhamaantii labadi sano ee la soo dhaafay dadaalkii xukuumadda Kheyra waxaynu ka garan karnaa qofki maskaxdiisa dib u celiya 8dii Febraayo 2017kii ka hor dalka heerka uu joogay ama ka joogay dhinaca kocobka dhaqaalaha, musqmaasuqa, nabadgalyada, is aaminka, tacliinta, daryeelka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, rajadda ummadda, iyo heerka maanta aynu joogno. Kii shalay ay la fiicnayd Allaha soo hanuuniyo ayaanu leenahay. Labadii sano ee la soo dhafaay siyaasadda dalka waxa lagu waday degenaasho, qorsheyn iyo jaangooyo ku dhisan cilmi, sanada harayna waxa la qorsheeyey istaraatijiyadii lagu hagi ahaa tubta siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, waxa gebogebo ah dhismaha ciidanka Qaranka, hawlihii cadaaladda iyo garsoorka, dhameystirka dastuurka iyo dhameystirka dib u heshiisiinta.

XAGGA DHAQAALAHA

Haddii aan fiiro kooban u yeelano siduu ahaa dhaqaalaha dalka muddadii ka horeysay Re’iisul wasaare Cabdirisaakh Xaaji Xuseen iyo Re’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxa kuu soo baxeysa in labaduba ay la kulmeen dal amuuraha dhaqaalihiisa heerkii ugu hooseyey uu joogay. Waxay ka sinaayeen dhinaca amaanada hantida qaranka, wadaniyadda, inay abuuraan dhaqaalo wadani, in sare loogu qaado nolosha bulshada, waxay mabda’iyan aamin sanayeen haddiiba la dhimanaayo dalka hooyo in loo dhinto, taana illaahay waa ku garab siiyey. Mudane Cabdirisaakh iyo Mudane Kheyre xukuumadahii ay hogaaminayeen xoolo kama tabcan dadka Soomaaliyeed, daara kama dhisan, dhashooda iyo reerahooda uma xadin maalka ummadda ka dhexeeyey, dartood gaajo looma dhiman, haddii ay wax qabteen nafsadooda waxba uma qabsan ee waxay wax u qabteen dadka Soomaaliyeed.

Waxay labaduba xilka qabteen iyadoo dhaqaalaha dalka gaarsiisan yahay heer foolxun; haba yaraatee ma jirin miisaaniyad loogu talagalay horumarinta dhaqaalaha dalka; ma jirin qorsheyn dhaqaale oo si cilmi ah loo saadalshay sanadaha soo socda heerka horumarka ummada gaari doonto; musuqmaasuqa, eexda iyo xatooyada xoolaha dadweynaha waxay ku beernayeen maamulka dowladda. Waxay xafiiska la wareegeen iyadoo maamulkii dalka gacanta ay ku hayaan madax aan fulin baahida ummaddu ay qabtay, balse xoolihii ummadda iyo wixii hanti dalku lahaa intooda xilka heysay qeybsaday oo waddankii iyo horukaciisna halkaa ku lumay. Waxay labaduba talada re’iisul wasaaraha la wareegeen iyadoo aysan jirin dowlad karti u leh inay fuliso qorshayaasha lagu hormarinaayo dhaqaalaha dalka, taasina waxay keentay miisaaniyadda dowladda inaan si wanaagsan loo maamulin oo ay go’do iyadoo aan sanadka dhamaan, halkaana lagu waayo bilaha qaarkood mushaarka shaqaalaha dowlada iyo ta ciidanka.

CABRISAAKH XAAJI XUSEEN

Mudane Cabdirisaakh, markii uu la wareegay xafiiska re’iisal wasaaraha dhaqaalaha dalkeena wuxuu ahaa mid aad u hooseeya, isha kaliya ee dhaqaalaha dalka ku tiirsanaa waxay ahayd mucaawanada laga helo dibadda ee xag maaliyad iyo xag farsamo. Soomaaliya waxa lagu lahaa deymo badan oo lagu dabooli jiray is-dhinka miisaaniyadda, deymaha waxa lagu bixin jirtay hawlaha dowladda iyo hay’adaheeda, sababtuna waxay ahayd qarashka dowladda oo aad u badnaa. Dhibataada kale oo jirtay waxa ay aheyd in kororsiimada dhaqaalaha dalka uu ahaa mid aad u hooseeyey, miisaaniyadda dibadda dhaawac weyn ayaa ku yiilay, taana waxay sii kordhisay hoos u dhac ku yimaada qiimaha shilinka Soomaaliyeed.

Kharashka miisaaniyadda iyo daqliga lagu daboolo kuma fadhin hab xisabeed oo si wanaagsan loo jaangooyey, isdhinka miisaaniyadda wuxuu ahaa mid joogta ah waxaana sabab u ahaa dakhliga yar iyo dawladda oo aan karti u laheny inay abuurto ilo dakhli oo kale, taana waxay keeni jirtay in kharashka la dhimo oo shaqadii loogu tala galay ay joogsato, halkaana ay ku cuuryamaan horukaci dalka. Miisaaniyaddu waxay u qaybsantay mushaarka shaqaalaha dowladda iyo gunooyinka, iyo middi lagu fulinaayey hurumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, Iska iloow misaaniyada loo qoondeeyey horumarita dhaqaalaha dalka ee waxa la weyn jiray tii mushaarka shaqaalaha dowladda. Daqliga laguma dadaali jirin inuu noqdo mid la isku haleyn karo, waayo waxa aad u badnaa musuqa iyo tuuganimda lagu hayey xafiisyada maaliyadda ee canshuuraha gura.

Dhaqaalaha ama deeqaha laga helo dibadda ee loo qorsheeyey horumarinta dalka waxa loo isticmaali jiray in lagu dabaro dano gaar ah iyo looltanka siyaasada qabiilka, taana waxay cuuryaamisay horumarka dhaqaalaha dalka. Qabiilkastaaba salaadiintiisa, ugaasyadiisa iyo afmiishaakooda waxay subax iyo dharaar kastoo nool u soo shaqo tagi jireen in laga biilo qasnada dowlada, waxaa la isugu faani jiray xatooyada iyo boobka xoolaha dadweynaha, ninkii aan waxba xadin ee ilaahay ka baqaa waxa loo yiqiin nacas inan-gubeed dhalay, lamana soo dooran jirin xukuumada ama doorashada xigta. Lunsashada mushaarkii shaqaalaha dowlada waxa dheera boobki lagu hayey deeqihii caalamka loo qorsheeyey in lagu hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka si looga maarmo baryada iyo gargaarka shisheeyaha.

Dhaca iyo maaltacabka xoolaha dadweynaha wuxuu ahaa mid maalin waliba taagan, wuxuuna gaaray heer sedexdii biloodba wasiirada, agaasimayaasha iyo baraasabyada ay isugu faanan guryaha, beeraha aseendoyinka iyo baaburta waqtiga ugu caansaneyd sida baaburta FIAT, Peugeot iyo Range Rover. Dadweynahi Soomaaliyeed ee xiligaa joogay waxay gobannimada loo soo halgamay ka aaminsanayeen mid aan iyaga u dhalan ee madaxda iyo xildhibaanada dowladda ay u dhalatay, balse iyagu aysan marnaba dhadhamin macaanki gobannimda oo ay gurteen oo kaliya mirihii gaajada iyo hooga.

Xaaladdi aragaas laheyd uu daka ku sugnaa wuxu Cabdirisaakh isku dayey in uu wax ka badelo, wuxuu ku dadaalay in uu dabargooyo musuqmaasuqii dalka yiilay, maamulka hababka xafiisyada inuu hormarsho, baaqiisu wuxuu ahaa KARTI & HUFNAAN, in shaqaalaha dowladu yeesho karti aqooneed ay ku gutaan waajibaadkooda. Cabdirisaakh ma dooneynin inuu kusii shaqeeyo habkii hore uu dalku ku taagna, sidaa awgeed wuxuu ku tallaabsaday inuu la dagaalamo musuqmaasuqa iyo inuu dib u habeeyn ku sameeyo adeega bulshada.

Musuqmaasuqa iyo cuuryaaminta xoolaha dadweynaha si loo baabi’iyo, Cabdirisaakh wuxuu faray golahiisa wasiirada inuu mid waliba diiwaangaliyo hantida maguurtada iyo xoolaha gaarka ah uu leeyahay. Ujeedda Cabdirisaakh waxay aheyd in dadweynaha Soomaaliyeed uu ku qanciyo inay xukuumadiisu tahay mid ay dhab ka tahay inuu la dagaalamo musuqmaasuqa. Waxay kaloo ulajeedadiisu aheyd in golahiisa wasiirada ay ogaadaan in si gaar ah isha loogu hayo oo ay ka fogaadaan musuqa xatooyadda, kii lagu helaana la waayo.

Natiijada ka dhalatay ololahaas waxaa shaqada looga eryey dhowr wasiir iyo agaasimayaal oo musuq lagu helay, waxaa kaloo shaqada laga fadhiisiyey dad badan oo aan karti laheyn oo dhamaantood loo diray warqad caan aheyd oo la oran jitay “POSTA ROSA”. Wuxuu bilaabay in shaqaalaha dowladda uu tartansiiyo oo qofkii la yimaada karti iyo hufnaan uu siiyo abaalmarin isugu jirta lacag iyo dalacsiin.

Si loo helo miisaaniyad qorsheysan iyo dakhli lagu kalsoon yahay inuu soo xaroodo, wuxuu xoogga saaray in dib u habeyn lagu sameeyo xafiisyada maaliyadda ee canshuurta ururiya, wuxuuna ku xoojiyey ciidanka Boolis ah oo qaas u ah ilaalinta canshuuraha dowladda, la dagaalanka kontobaanka iyo soo dhicinta canshuurta lala fakado. Cabdirisaakh si kastaba ha u dadaalee uma suurta galin 100% inuu dabargooyo musuqmaasuqii, eexdi iyo qabyaaladii dalka ku beernayd, maxaa yeelay musuqu iyo isdaba marinta wuxuu ahaa mid la curtay gobannimda oo ku beermay dowladnimda Soomaaliyeed oo si sahal ah aan loo suulin karin.

Cabdirisaakh wuxu isku dayey inuu wax ka qabto dhaqaale xumadii dalka tiilay, waxaa la dajiyey jaangooyo 5 sanadood ah si loo hormarsho dhaqaalaha dalka. Qorshahaas horumarineed waxa loo qoondeeyey $196 miliyan oo markii dambe la gaarsiiyey qiyaastii $280 milyan. Ujeedada mashaaricda waxay ahaayeen in la hormarsho warshadaha dalka, wadooyinka isgaarsiinta iyo dekado suurtagaliya dhoofinta dallaga muuska iyo xoolaha oo labaduba ku tiirsanaa dhaqaalaha dalkeena.

Inkastoo aan la helin gargaarka intiisa badney hadana waxaa lagu dadaalay in la soo korshiyey dhowr mashaariic oo waxtar u yeeshay horumarinta dhaqaalaha dalka sida: dhismaha wadooyinka isku xira Afgooye iyo Shalaambood (68 Km); Kismaayo iyo Jillib (115 Km); Muqdisho iyo Afgooye (28 km); Afgoi and Baidoa (218 km); Hargeyso, Burco iyo Berbera; dekedo; warshadda Kalluunka Laas Qorey, warshadda Caanaha Xamar, dekedda Berbera iyo beero tijaabo ah oo la isku dayey in laga hirgaliyo Togwajaale iyo Jilib, balse labaduba ay guuldaresteen.Tallaabooyinkii laga qaaday dhinaca dhaqaalaha waxaa ka mid ahaa: waxa aad u soo kordhay wax soo saarka dalka, tirada xoolha iyo muuska la dhoofsho oo qiyaas ahaan labanlaabmay. Waxa horukac laga gaaray maalgashiga xaga ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada sida: gadiidka, isgaarsiinta, diyaaradaha, hoteelada, tacliinta iyo caafimaadka.

Nasiibxumo jaangoyntaasi 5 sano qorshihii horumarita loogu talagalay sidii la rabay uma fulin, waxa la waayey shaqaale waxyaqaan ah oo fuliya shaqada teknikada iyo waxyaqaan hoggaamiya mashaariicda. Waxa jirtay qorsho xumo xagga qorsheynta, iyo lacagtii loogu talagalay qorshahaas oo la musuqmaasuqay, taana waxay keentay in mashaariicdaasi intoodi badneyd ay istaageen. Markii la gaaray horaantii bishii Maajo 1966kii Re’iisul wasaare Cabdirisaakh wuxuu shaaca ka qaaday in jaangooyntii 5 sano qeybahii loo qorsheeyey horumarinta warshadaha iyo beeraha ay guuldreysteen. Inkastoo dhibaatooyin badan ay jireen haddana Cabdirisaakh horumar weyn ayuu ka gaaray dhinaca horumarinta dhaqaalaha dalka.

XASAN CALI KHEYRE

Mudane Xasan Xali Kheyre markii uu la wareegay talada re’iisal wasaaraha, wuxuu la wareega dhaqaale iyo nidaam maamul dowladdeed oo aad u kala daadsan, wuxuu u yimid miisaaniyadda dowladda oo naqus ah (deficit), khasnadihii dowlada iyo bankigi dhaxe waxa loo boobay si aan la arag ama aan la maqal, maalaayiin deyn ah oo dawladda ay ka qabtay dadweynaha oo isku biiray aan la bixin, mana jirin hab lagu bixiyo deymaha oo la dajiyey. Iska ilow in laga hadlo horumarin iyo maalgalin mashaariic wadanka loo qabtay ee waxaa dhici jirtay sanadkii oo dhamaan in miisaaniyadii dowladda ay go’do oo la waayo mushaarkii shaqaalaha iyo ciidamada, kolkaasina dowladda gargaar warsato shisheeyaha. Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka kuma fadhin saldhig aqoon, la iskumana dayin hab cilmi ah in loo jaangooyo.

Miisaaniyadda oo ah hubka lagu fuliyo siyaasadda dhaqaalaha dalka, ma laheyn sal dhaqaale oo lagu fadhiisiyo, ama lagu jaangooyo dakhli lagu kalsoon yahay oo soo xaroodo. Waxa aad u hooseyey ururinta dakhliga xaqa ah ee dowladda soo gala, ma jirin dhismo hay’ado maaliyadeed oo awood u leh inay kordhiso miisaaniyadooda, dakhli ururinta, waxaa maqanaa qibradda dakhli ururinta, nidaamyada qorsheynta, wax ilaalinta iyo maamul wanaaga. Waxaa aad u badneyd tuugada iyo musuqmaasuqi ka jiray xafiisyada cashuurta ka gura maareynta Dekada Muqdisho, gegida diyaaradaha Muqdisho, canshuurta laga qaado baaburta, ruqsada baabuurka, goobaha ganacsiga iyo wareejinta hantida ma guurtada ah.

Inta badan docmarinta iyo musuqa ka jiray xafiisyada ha’adaha dowladda wuxuu keeni jiray in kharashkii loogu tala galay miisaniyadda inuu ku filnaado sanadka marki uu dhaqan galo, waxaa marlabaad loo baahan jiray in dib loo kabo, haddii la waayana waxay keeni jirtay in bilo la waayo mushaarkii shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. Kheyre wuxuu yimid iyadoo mashaakil dhaqaale uu jiro, iyadoo aysan jirin siyaasad horumarin dhaqaale, iyadoo ay maqan yihiin illahi dhaqaalaha horay loogu dhigilahaa sekterada dhaqaalaha dalka ee laf dhabarka u ahaa sida aqoonta, xoolaha, beeraha iyo kaluunka.

Dhibaatadii dalka tiilay aad ayey u badneyd, xil la iska saarin in shilimaadki laga ururiyey dad weynaha Soomaaliyeed ee ka yimid canshuuraha in shaqo loogu abuuro dadka Soomaaliyeed ee suuqyada dhoobnaan. La iskuma dayin in wax la taro dadka Soomaaliyeed ee gaajada u baqtinaayey si ay u helaan rooti xalaal ah iyagoo shaqeysanaya si ay u dhamaato war maanta wax ii diib aan qadeeye.

Xukuumaddii Kheyre waxa horyiilay caqabado badan xagga dhismaha dhaqaalaha dalka oo lagama maarman u ah la dagaalanka amnidarada, in la yereeyo musuqmaasuqa, in la dadejiyo horukac dhaqaale oo loo dhan yahay oo kor loogu qaadayo fursadaha dakhliga iyo kuwa maaliyadda. Re’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo aqoon u leh Maamulka iyo Maaraynta wuxu Soomaaliya baray ama ku soo kordhiyey iskood inay wax u qabsan karaan, aragtidaasna waxay ka mid tahay hibada ilaahey siiyey uu ugu faa’iidey dalkiisa hooyo.

Mudadii yareyd ay dhisneyd xukuumadda waxay qaaday tallaabooyin xagga dhaqaalaha, waxaa ka mid ah in la dajiyey aragti siyaasad dhaqaale oo ku dhisan yoolasha dhaw iyo kuwa waqtiga dhexe si loo dhiso hay’ado maaliyadeed oo awood u leh inay kordhiso miisaaniyadooda, iyadoo dakhli ururinta loo kaashaday qibraddaha daqli ururinta iyo wax ilaalinta, taana waxay keentay in miisaaniyad caafimaad qabta lagu maamulo dhaqaalaha dalka iyo dib-u-dhis lagu sameeyey adeegyada maaliyadda dalka.

Xukuumadda waxay dagaal cad ku qaaday musuqmaasuqa iyo arrimahii foosha xumaa in laga suulsho mujtamaca Soomaaliyeed. Dadaalki xukuumadda ma yareyn wax maalin iyo sanadaha u haray lagu suulin karo waa ka weyn yihiin, waxaase horumar la taaban karo laga gaaray in musuq-maasuqii, maamul xumadii dalka tiilay dagaal lagu qaaday oo intii u hanqal taageysay maaltacabka xoolaha dadweynaha, kii ku noola dhiiga ummadda badankoodi laga dhigay wax garbaduub loo xiray, wax la baacsaday iyo wax xilal laga xayuubiyey.

Inkastoo dibaatooyin faraha badan laga soo maray sidii loo guri lahaa canshuurta, sidii loo ilaalin lahaa, sidii loo kordhin lahaa iyo sidii loo yarayn lahaa kharashaadka micna la’aanta u baxa, haddana dadaalki xukuumadda waxa uu suurta galiyey in lays waafajiyo miisaaniyadda qarashkeeda iyo dakhligeeda, in la helay misaanaiyad caafimaad qabta oo la isku halayn karo, taana waxay dhalisay xukuumada inay joogteyso bixinta mushaarka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada iyadoo hab casri ah oo aan horey loo arag mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda lagu siiyo ayadoo lacagta loogu shubayo Account.

Haddaba howshii ikhlaaska iyo wax ku oolnimda xukuumadi Kheyre waxay keentay in horumar deg deg ha laga gaaray maamulka maaliyadda gaar ahaan isuduwida Maareynta Maaliyadda Dowladda (PFM); la-dagaallanka musuqmaasuqa; kala hormarinta ama kala mudnaansiinta ilaha maaliyadda iyo ka mira dhalinta wadadii lagu bixin lahaa deymihii baaqdey iyo cafintooda. Dhamaan dadaalada socda waxay gunxaar u yihiin sidii Soomaaliya ay ku heli laheyd gargaar dhaqaale oo lagu maalgelsho kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Waxaan kaloo aan leeyahay horukaca laga gaaray dhinaca dhaqaalaha waxay keentay in Bankiga aduunka iyo Hay’ada Lacagta Adduunka ee IMF ay qiimeeyaan wax qabadkii xukuumadda sida dib u habeynta xagga maaliyada dalka iyo barnaamijka staff minitoring program oo kalsooni ku beertay maalgashatada caalamka, saaxibada aduunweynaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dhamaantood aaminay xafiiska dalka u qaabilsan ilaalinta maamulka maaliyada iyo hantida qaranka.

Maalinba maalinta ka dambeysay tallaabooyinkii wanaagsanaa ee xukuumadda ay qaadeysay waxaan ka garan karaa howsha ay qabteen natiijooyinka ka soo baxay oo aheyd in Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ay sheegeen in xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay gebi ahaan buuxisay shuruudihi Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF uu ku xiray iney buuxiso si deymaha lagu leeyahay Soomaaliga looga cafiyo. Heerka wax ilaalinta iyo maamul wanaaga maaliyadda Soomaaliya waxay keentay in bankiga adduunka uu ku qanco, taasina ay keentay muddo 30 sano ku dhaw lacag toos ah Soomaaliya aysan ka helin bankiga adduunka loogu ansixiyey lacagta 80ka malyan ee Doollar ah.

Bankiga adduunka ka sokow, waxay kaloo heerka hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya ku heshay 100 malyan oo Yuro ah oo lagu daboolo miisaaniyadda oo socon doonata ilaa sannadka 2021. Aaminkii lagu qabay hanaanka maaliyadda Soomaalia wuxuu keenay in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurti ugu badneyd intii ka dambeysay burburkii dowlada dhexe, taana waxay xukuumadda u suurta galisay miisaanayd qorsheysan inay ay ku maamusho dowladda.

Re’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre wuxuu meesha ka saartay liidmadii Soomaalida dhexdeeda isliidi jirtay ama shisheeyaha liidi jiray oo aheyd in shisheeyaha la’aantood Soomaali waxba qabsan karin, madaxda Soomaaliya in aan la aamini karin, beentaas waxa madax iyo majimo u rogay mudane Xasan Cali Kheyre. Wuxuu tirtiray taarikhdii shisheeyaha ku halqabsan jiray; Soomaaliya waa dal aan waxba qabsan karin; waa dal madaxdooda aan la aamini karin; waa dal madaxdooda aan daryeelin shacabkooda, taarikhdaas xun, Xasan Cali Kheyre wuxuu shisheeyaha ku khasbay inay mar labaad dhigaan taarikh cusub oo wanaagsan oo bedesha tii hore.

Xukuumadda waxa u qorsheysan in dalka oo dhan loo dhiso dhaqaale midaysan oo xooggan iyo nidaam dhexe, waxaan marag ma doonta ah in dad iyo Rabbiba ay wax la qabtaan qofkii wax qabanaaya. Qof kaligi wax ma qaban karo, wuxuu u baahan yahay dad kale oo karti leh oo ay iskaashadaan, saa awgeed Xasan Cali Kheyre iyo golahiisa wasiirada waxay ku dadaaleen intii tabartooda ah inay wax qabtaan, Eebbana waa ku garab galay in magacii Soomaaliyeed iyo sharafkeedii ay soo celshaan, taarikhdana waxa muuqata in dhamaantood baal dahab ah ay ka gali doonaan.

XAGGA SIYAASADDA DIBADDA

Siyaasadda dibadda waa istaraatijiyadda ama tubta wadankastaaba u maro danaha kaga dhexjira caalamka si loo gaaro yoolasha danaha qaranka kuwa ugu muhiimsan sida; difaaca midminada dhuleed, horumarinta dhaqaalaha, gaashaandhiga, danaha diblomaasiyadda caalamiga iyo wax kasta oo qaranku u tixgeliyo inay yihiin mudnaan 1aad. Diblomaasiyadda iyaduna waa maamulida, dajinta iyo qorsha hawleedka siyaasadeed ee saameyn ku leh kadoodista heshiisyada caalamiga, go’aanada lagu maamulo cilaqaadka caalamiga iyadoo loo maraayo xiriir wada xaajood ah, dulaalatan, gorgortan iyo tallaabooyin iskaashi si loo gaaro heshiisyada hormarineed ee waxtar u leh Qaranka.

Haddan aado xagga siyaasada dibadda iyo diblomaasiyada caalamiga waxaan isleeyahay mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Res’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxaad moodaa meelo badan inay isaga mid ahaayeen gaar ahaan xiligii ay qabteen xafiiska wadcigii dalku taagna. Inkastoo labada xukuumad ay kala waqti ahaayeen, islamarkaana ay kuna kala duwanaayeen daruufihii iyo caqabadihii ay la kulmeen haddana waxay isaga mid ahaayeen sidii ay ugu falceliyeen mashaakilkii dalka soo food saaray.

Waxay labaduba aaminsanayeen in siyaasadda dibadda Soomaaliya loogu adeego arrimaha gudaha oo ah muraayadi adduunweynaha ka daawanaayey dalkeena, laguna qiimeynaayey Soomaaliya horumarkeeda, ummadnimadeeda, xagga aqoonta, caafimaadka, xasiloonida, daqliga soo gala qofka Soomaaliga iyo halka ay Soomaaliya kaga jirto hurumarka bulshada adduunka. Labaduba waxay ka sinaayeen xiriir wanaagsan oo lala yeeshaa dowladdaha adduunka iyo kuwa dariska ah, dhexdhexaadna laga noqdo khilaafaadka ka taagan adduunweynaha.

CABDIRISAAKH XAAJI XUSEEN

Cabdirisaakh markii uu la wareegay xilka re’iisal wasaaraha, siyaasadda arrimha dibadda Soomaaliya waxay aheyd mid aad u qasan, waxa xiisad colaadeed ka aloosneyd Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsaneyd dhulka NFD. Waxa kaloo jirtay in Soomaaliya ay xiriirkii diblomaasi u jartay dowladda Ingariiska, iyadoo ka carootay tallaabadii Ingariiska uu dhulka NFD ku raacshay Kenya, taana waxay keentay in Ingariiska uu joojiyo deeqahii uu siin jiray Soomaaliya. Sidoo kale dhibaatooyinki waqtigaa taagna waxa ka mid ahaa dagaalki dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya bishii Febraayo 1964tii oo heshiis xabad joojin ah la kala dhexdhigay labada dal bishii Maajo 1964kii, balse ay wali taagan tahay dhibaatada.

Waxa kaloo xiligaa taagna dagaaladi gobannimodoonka ee ka dhex socday gumeystaha Faransiiska iyo walaalihii reer Jabuuti oo taagero ka helaayey dowlada Soomaaliya. Marka laga yimaado qulqulatooyinki ka dhex taagna dhulalka Soomaaliyeed NFD, Soomaali Galbeed iyo Jabuuti waxa soo wehliyey dagaalkii qobobaa ee gobolka geeska Afrika ay ku looltamayeen dowladaha Bariga iyo Galbeedka si ay saameyn istaraatiji ugu yeeshaan Soomaaliya. Inkastoo ay saas tahay haddana culaabtaas diblomaasiyeed Cabdrisaakh wuxuu ula tacaalay in uu mowqif wanaagasan arrimahaas ka istaago.

Xukuumadi ka horeysay Cabdirisaakh, waxay siyaasadeeda dibadda ku hogaaminaysay siyaadda dhexdhexaadka, waxayna Soomaaliya ka mid aheyd ururka dowladaha dhexdhexaadka oo ay ku biirtay bishii Sebtember 1961kii. Sidoo kale, xukuumadi ka horeysay Cabdirisaakh waxay wax yar u janjeertay dowladaha Bariga oo markaa laga helaayey gargaar maaliyadeed iyo mid farsamo oo xiligaa Soomaaliya ay aad ugu baahneyd. Cabdirisaakh wuxuu isku dayey siyaasadii arrimha dibadda Soomaaliya inuu ku soo celsho dhexdhexaad si dowladaha Bariga iyo Galbeedka ula kaashado dhismaha dalka, hormarinta halbowlayaasha dhaqaalaha dalka iyo illaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wuxuu isku dayey mudnaanta 1aad inuu siiyo siyaasadda arrimha gudaha isagoo tii dibadda ugu faa’iideystay inuu ku hormarsho dhibaatadii dalka tiilay. Cabdirisaakh dhex-dhexaadnimadii uu qaadatay waxay u suurta galisay inuu mashaariic horumarineed ka helo dalal kala duwan sida Talyaaniga, USSR, USA, EEC, China iyo Galbeedka Jarmalka.

 

 

XASAN CALI KHEYRE

Markii ay curatay xukuumadii Kheyre hogaanka u hayey, waxa uu la kowsaday waqti Qarankii Soomaaliyeed ku jirey xabaal sodon sano mar laga joogo, oo si sahalna aysan kaga soo baxeyn, waxa dhaawac culus ku yiilay siyaasadda dibadda Soomaaliya. Marka aan sidaa lee yahay waxaan ullajeeda dalalka adduunka oo idli wax sharaf iyo aqoonsi uma hayn Soomaaliya, siyaasadda dibadda Soomaaliya ma aysan laheyn wax ujeedo ah balse waxa ku adeegan jiray shisheeyaha inay ku cuuryamiyaan horukaca Soomaaliya iyagoo kaashanaya dad Soomaaliyeed oo askun iyo dhalasho nala wadaaga.

Markii Kheyre yimid waxa dalka ka jiray lix dowlad goboleed oo midkastaaba sameystay siyaasad dibadeed lagu raacdeysto yaboohsiga shisheeyaha oo keeni karay sharuudo khatar galin karay dalka sida shisheeyaha oo loo ogolaado inay dalka ku yeeshaan dekedo iyo saldhigyo miletari ay fadhiistan. Waxa la arkay iyadoo madaxda dalka iyo kuwii dowlad goboleedyada lagu casuumayo dibadaha, kolkii ay dalka ku soo laabteena soo galay heshiisyo lacago sandareerto ah lagu dhaafsaday inay xaraashaan qeyraadki danta guud ee ummadda ka dhexeeyey sida: in la xaraasho dekedihii dalka, in la baxsho ruqsado lagu guranaayo qeyraadka bariga iyo badda, suna lagu shubo badaha Soomaaliya.

Intaa ka sokow, Kheyre waxa uu isku hawlay inuu qabriga ka soo saaray siyaasadii dibadda Soomaaliya ee habaaska fuulay, wuxuu oogay olole ka gadisan habkii hore ee lagu socday, wuxuu tallaabo cad ka qaaday is barbaryaacii siyaasadda dibadda iyo qursigii lagu hayey madaxda dalka inay fuliyaan aragtida shisheeyaha. Wuxuu cadeeyey Soomaaliya in aysan u baahneyn faragalin shisheeye, in aysan u baahmeyn mid lugaha qabta, inaysan u baahneyn mid dul fuula oo dhiiga ka jaqa, balse ay u baahan tahay saaxibo daacad ah oo ay la wanaagsan tahay Soomaaliya inay midowdo, Soomaaliya inay hesho nabadgalyo iyo Soomaaliya inay mar labaad ka soo muuqato ummadaha adduunka.

Siyaasadda dibada wuxuu ka xoreeyey madax-goboleedyadii dalalka khaliijka u qaraab tagi jiray iyo shisheeyihii kala dullaali jiray dowlada dhaxe iyo dowlad goboleedyada, taana waxay keentay in shisheeyihii dhibaatada ku hayey dalkeena uu raali ka noqon waayey tallaabadi ay ka qaaday xukuumadda, dagaalna ku soo qaadeen xukuumada iyagoo adeegsanaya kuwa shilin qaate ah oo Alle nasiibkooda xumeeyey si ay u dunshaan dowladnimada Soomaaliya. Kheyre wuxuu soo xiray dhamaan albaabadii shisheeyaha ku garab taagnaan jiray dabadhilifka uu dhigtay Soomaaliya, kuna dul ilaalin jiray inay fuliyaan qorshayaasha lagu cuuryaaminayo horukaca ummada Soomaaliyeed.

Xukuumadda waxay baabi’isay quursashadii Soomaaliya la quursan jiray, liidmadii Soomaaliya la liidi jiray iyo fartii Soomaaliya loogu yeeri jiray, taa waxay keentay muddo labo sano ah in siyaasadii dibadda Soomaaliya ay isu bedeshay mid ka soo if baxda adduunka oo xukuumada ay ku heshay magac iyo xushmo gaar ah. Xukuumadda waxay qaadatay siyaasad dibadeed dhexdhexaad ah inay ku maamusho dalka isla markaana qilaafka adduunweynaha ka taagan dhexdhexaad laga noqdo oo aan lagu biirin heshiisyada loo sameystay gaashaanbuursiga iyo xiisadaha dagaalka. Arrintaa waxa daliil u ah dhexdhexaadka xukuumadda ay ka qaadatay khilaafkii soo kala dhexgalay dalalka isbaheysida khaliijka. Waxay kaloo xukuumadda ku dadaashay inay meel dheer iska taagto looltanka ka dhex socda dowladaha ku looltamaya Soomaaliy oo il cadaalad ah ay kula socoto dhamaantood iyadoo ilaalineysa danaha Qaranka.

Tallaabooyinkii qaayaha lahaa ee laga qaaday xagga falsafadda siyaadeeda dibadda waxay keentay in Soomaaliya maanta adduunka u aqoonsado dal dhexdhexaad ah oo siyaasadeeda aan ku tiirin dalal kale, taana waxay keentay in xormada loohayey xukuumad Soomaaliya ay ku muteysatay balanqaadyo dhaqaale iyo mashaariic ay u balan qaadeen dalalka Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya, Qadar, Amerika, Midowga Yurub, Turkiga, China iwm.

Sidaa si la eg, siyaasadda dibadda Soomaaliya waxay noqotay mid waddo cusub cagta saartay, xurmada iyo xaq dhorka ay latimid siyaasada dibadda Soomaaliya waxay dhalisay in Muqdisho lagu qabto shirka Kooxda Xiriirka Ururka Iskaashiga OIC, madaxweynaha Soomaaliya wuxu dawr ka qaadatay shirkii lagu heshiisinayey dowladda Itoobiya iyo Eriteriya, wuxuu kalo ka qeybqaatay xiriirki sedex geesoodka dhexmaray hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ee la xariiray iskaashiga xagga amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiya.

Xukuumadda iyadoo ka wakiil ah sharafka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya waxay cambaaraysay shirkadi laga lahaa Dubai ee DP World heshiiskii ay la gashay Soomaliland, waxayna ugu baaqday inay dib ugu laabato heshiiska, balse markii ay ka cago jiiday, xukuumada oo kaashaneysa Barlamaanki Soomaaliya waxay si wada jir ah u naqdiyeen heshiiska, Baarlamaankana wuxuu ka soo saaray ”Xeerka Dhowridda gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya”.

GABAGABO

Cabdirisaakh iyo Khayre waxay labaduba ahaayeen hogaamiyeyaal door weyn ka qaatay taarikhda jiilasha ay ku soo gaareen. Taarikhda Cabdirisaakh waa mid dhameystiran, hase yeeshee taarikhda Kheyre waa mid wali qormeysa oo sanado kadib taarikhda ay xukumidoonta. Labada re’iisul wasaare waxaa lagu tilmaami karaa inay ahayeen labadii re’iisul wasaare ugu maamul fiicnaa ee taarikha Soomaliya soo mara. Waxay leeyihiin sifooyin wanaagsan oo ku dayasho mudan! Labaduba wuxuu Eebbe siiyey hibo gaar ah ay ku agaasimaan socodsiinta shaqada iyo tixgalinta waajib gudashada xiriirka kala dhaxeeyey dadka ay madaxda u yihiin iyo kuwa iyaga madaxda u ah. Waxay labaduba ka sinaayeen sifooyinka go’aan qaadashada sida: go’aanada socodsiinta shaqada, go’aanada jaangoynta siyaasadda iyo go’aanada ku lug leh xaaladda deg deg ah iyo kuwa khatarta ah.

Waxay labaduba lahaayeen kartida la dhaqanka dadka, hawlgalintooda iyo baraarujinta shaqaalaha iyo inay u dhega-nuglaadaan baahidooda. Labaduba waxay ahayeen dad isku kalsoon, kana adag naftooda; waxay yaqaaneen waxa ay doonayaan iyo jidka ay u maraan; waxay lahaayeen sifooyin figradahooda iyo talooyinka ay ugu gudbiyaan dadka shaqada ay kala dhaxeyso. Labaduba waxay ka sinaayeen il cadaalad ah inay kula dhaqmaan golaha wasiiradooda, iyagoo qiimeynaya qaabka shaqada u socoto, mana la gabadaan inay ciqaabaan, edbiyaan ama eryaan wasiirka ku tunka nidaamka shaqada, kan dib u dhigta iyo kan aan gudan waajibkiisa.

 

.

.

.

.

 

Hassan Ahmed Sheikh

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Canada

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment