621 Views

“Aniga iyo aabahay waxaan isku fara-saarnay goob dagaal waxaana ku kala jirnay labo ciidan oo iska soo horjeeda”

“Aniga iyo aabahay waxaan isku fara-saarnay goob dagaal waxaana ku kala jirnay labo ciidan oo iska soo horjeeda”
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Haweeney taliye boolis ah oo u dhalatay dalka Itoobiya ayaa BBC-da uga sheekeysay qisada ku saabsan sidii ay dabayaaqadii 1970-meeyadii iyadoo dhowr iyo toban jir ah ugu biirtay koox fallaago ah oo lagu magacaabo dhaqdhaqaaqa xoreynta shacabka Tigray-ga(TPLF), ayna goob dagaal ku wajahday aabaheed.

Wuxuu gabadhan aabaheed markaas ka barbar dagaallamayay ciidamada dowladda Milatariga ahayd ee xilligaas ka arrimineysay dalka Itoobiya.

“Aabaheen, Kasa Hailu wuxuu dhinaca siyaasadda kula dagaallamay dhammaan shan carruur ah oo uu dhalay. Laakiin aniga iyo isaga waxaan isku farasaarna, dagaal khaas ah oo lagu magacaabo Adi Emiru, markii aan isfara-saarnay ka dibna ugu dambeyntii wuxuu dib ula gurtay ciidankiisii dhaawacmay”, sidaas waxaa BBC-da u sheegtay Alemtsehay Kasa.

Ms Alemtsehay hooyadeed waxay sidoo kale ahayd taageere daacad u ah Fallaagada TPLF, waxayna isku dayday inay ka dhaadhiciso ninkeeda, oo askari ahaa, inay ka badasho fikradda, sida ay gabadhooda sheegeyso.

Waxay seygeeda u qortay warqad ay uga baryeyso inuusan dagaal uga hortagin gabadha 14 jirka ah ee ay wada dhaleen – laakiin wuu ku gacan seyray codsigaas, isagoo ku dalbaday in haddii ay wanaag dooneyso ay gabadhooda kasoo celiso fallaagada ay duurka kula jirto.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post