849 Views

RW Kheyre oo xariga ka jarey Garoonka diyaaradaha

RW Kheyre oo xariga ka jarey Garoonka diyaaradaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado  , March 10, 2020 —Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

 

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed & mas’uuliyiinta maamulka degmada,iyada oo ammaanka siweyn Maanta loo adkeeyey.

 

 

 

Soo dhaweyn kadib Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Baraawe,kaas o dib u dhis ballaaran lagu sameeyey.

 

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa,Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kuwa Maamulka Koonfur Galbeed & Wafdi ka socda Midowga Yurub oo dib u dhis ku sameeyey Garoonka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment