1020 Views

Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo Dowladdda ku eedeeyay inay Safar ka Xayireen

Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo Dowladdda ku eedeeyay inay Safar ka Xayireen
____________________________________________________________________________

Talaado: June 22 2021

Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) ayaa mas’uuliyiin ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ku eedeeyay inay muddo 9 bilood ah ku xayireen magaalada Muqdisho.

Macallimu ayaa BBC-da u sheegay in magaalada ay sidookale ku xayiranyihiin mas’uuliyiin, siyaasiin iyo wax garad ka soo jeeda gobolka Gedo.

Waxaa uu sidookale sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo dhex maray isaga iyo dowladda dhexe ee uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowlad kasta.

“Aniga nin mucaarad ah ma ihi, ninkii dowladda ku soo dhaweeyay gobolka Gedo ayaan ahay, xilkii waa la iga qaaday waxaanna u wareejiyay si mas’uuliyad ku jirto, waxaa halkaa iiga yeeray madaxweynihii dalka Soomaaliya u sareeyay, ciidan ima soo qafaalin, Muqdisho ayaan imid muddo 9 biloodna waan ku xayirannahay oo berri iyo beri dambe ayaad baxeysaa la ii leeyahay”, ayuu yiri Macallimu.

“taladii ugu horeysay ee la ii soo jeediyay waxaa kamid ahaa in aan aado dalka dibeddiisa oo aan isbitaal tago, aniga ma ihi qof xanuunsan, isbitaalna wax aan ka raadinayo ma jiraan” ayuu intaa ku daray.

Macallimu ayaa sheegay in isaga iyo mas’uuliyiin kale ay garoonka Adan Cadde ka soo celiyeen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda sirdoonka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post