1107 Views

RW Khayre oo daahfuray Nidaam lagu xoojinayo Maamulka Maaliyada

RW Khayre oo daahfuray Nidaam lagu xoojinayo Maamulka Maaliyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 07, -2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay isku xirka nidaamka maaliyadda ee Wasaaradda maaliyadda (SFMIS) iyo nidaamka casriga ah ee maamulka lacagaha Bangiga dhexe ee dalka, (Core Banking system) oo ka qayb qaadanaya daah-furnaanta, la dagaallanka musuqa iyo fududeynta wada-shaqeynta bahda maaliyadda dalka.

 

Mudane Xasan Cali Khayre oo wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ugu hambalyeeyay nimaadkaan cusub oo qayb ka ah tallaabooyinka dhiirri gelinaya dadka Soomaaliyeed oo dhan ee qaybta ka qaadanaya horumarka, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in la soo dhaweeyo wax walba oo xoojinaya ammaanda iyo qaranimada

 

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha bangiga dhexe in laga sii shaqeeyo sidii nidaamka loogu faafin lahaa dhammaan hey’adaha dowladeed ee dalka, maadaama horumarku uu ku xiranyahay sida loo wada shaqeeyo.

 

Horumarinta hanananka maaliyadeed ee dalka ayaa qayb ka ah himilooyinka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo kamid ah afarta tub qaran ee lagu saleeyay shaqooyinka dowladda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment