75 Views

Baarlamaanka JF oo wada ka doodista iyo waxkabedelka Dastuurka

Baarlamaanka JF oo wada ka doodista iyo waxkabedelka Dastuurka
____________________________________________________________________________

MUQDISHO – Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay weheliyaan ku xigeennada Labada Aqal ayaa shir guddoomiyay kulanka 18-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadidda ka doodista soo jeedinnada wax ka beddelka Dastuurka KMG ah Cutubka labaad Qod. 10-aad illaa iyo 20-aad ayay Sanatarrada iyo Xildhibaannadu maanta dooddooda si gaara diiradda ugu saarnayd xorriyadda diinta, caqiiddada, sinnaanta, xuquuqda asaasiga ah iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen xorriyadda nabadgelinta qofnimada isla markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sanatarrada uga doodeen gudniinka gabdhaha iwm.

Doodda cutubka labaad oo gashay maalinkii labaad ayaa waxaa aragtidooda ka dhiibtay ku dhowaad sideetan Xildhibaan oo dhammaantood si yaabo kala duwan uga hadlay qodobada cutubka labaad ee dastuurka KMG ah ee loo soo bandhigay, waxaana ka doodista cutubka labaad Qod. 10-aad ilaa iyo 20-aad qorshaha shintirka ee ku cad habraaca doodaha Dastuurka KMG ah uu yahay in la la soo geba gebeeyo kulanka soo socda ee kualnkan ku xiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post