1026 Views

Puntland & Jubbaland oo aan ka qeyb-galeyn Shirka Muqdisho

Puntland & Jubbaland oo aan ka qeyb-galeyn Shirka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 1, -2019 —Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Magalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya,waxaana ka qeyb-geli doona dowlado taageera Somaaliya iyo madax ka tirsan Maamul goboleedyada marka laga reebo Puntland iyo jubbaland.

 

Wararka ay heleyso Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho  ayaa waxaa ay sheegayaan in Maamulada Puntland iyo Jubbaland aysan shirkaasi ka qeyb-geli doonin,isla markaana ay uga maqan yihiin sababo la xiriira khilaaf kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in Shirka Maanta ka furmaya Muqdisho aysan ku casuumin Axmed Madoobe oo dib loogu doortay Kismaayo,hayeeshee Madaxweynaha Puntland oo lagu casuumay uu diiday sababo la xiriira in Madaxweyne Deni uu shuruud ka dhigay in shirkaasi uu qeyb ka noqdo Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland.

 

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay casuuntay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland,hayeeshee aan la ogeyn in Muqdisho uu yimid iyo in kale.

 

Arrintaan ayaa waxaa ay qeyb ka tahay khilaafka siyaasadeed ee xilligaan ka dhex-jira Villa Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada puntland iyo Jubbaland taa soo in badan salka ku heysa doorashadii ka dhacday Magalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment