261 Views

Sarkaal sare oo ka tirsanaa laamaha amniga oo ku dhintay qarax saaka ka dhacay tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan

Sarkaal sare oo ka tirsanaa laamaha amniga oo  ku dhintay qarax saaka ka dhacay tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________



Isniin: January 16, 2023

Sarkaal sare oo ka tirsanaa laamaha amniga ayaa ku dhintay qarax saaka ka dhacay tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dhamme Jamaal Axmed Jaamac ayaa ku dhintay qaraxa oo ka dhashay baabuur uu waday qof is miidaamiyey. Dhimashada Dhamme Jamaal waxaa VOA u xaqiijiyey taliye xigeenka bookiiska gobolka Hiiraan Gaashaanle Sare Xasan Kaafi Maxamed Ibraahim.

Jamaal ayaa ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee kaalinta ku leh kacdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna intaas ku dareen inuu fuliyey qof is-maadaamiyey oo kooxda ka tirsanaa.

Kooxda ayaa intaas ku dartay in weerarka uu ahaa “holwgal qorsheysa” oo ay la beegsadeen dagaalyahanada Macawiisleyda ee gobolka ka wada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waa qaraxii labaad oo muddo saddex maalmood gudahood ah ka dhacay gobolka Hiiraan. Maalintii Sabtida al-Shabaab waxay sidoo kale qaraxyo ka gaysteen Buulobarde iyo Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana ku dhintay 13 qof, in ka badan 50 kalena way ku dhaawacmeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post