711 Views

Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Baqdaad oo kuyaal inta u dhaxeeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad

Ciidanka Kumaandooska DANAB oo  howlgal qorsheysan ka fuliyay  degaanka Baqdaad oo kuyaal inta u dhaxeeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 21, 202

Ciidanka Kumaandooska DDANAB ayaa  saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanka Baqdaad oo kuyaal inta u dhaxeeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo saldhig weyn ay kulahaayeen Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayey Abaanduullaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Aadan Jeelle, waxaana uu sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ee degaanka Baqdaad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka ay weli siiwadaan kuna raadjoogaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isaga baxay degaanka Baqdaad.

Howlgalkan Ciidanka DANAB ay ka fuliyeen degaanka Baqdaad ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada Millateriga qeybta 27aad ay howlgallo ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post