1188 Views

RW Rooble oo Ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb.

RW Rooble oo Ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb.
____________________________________________________________________________

Isniin : November 14, 2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug si uu u bilaabo safarkiisa hubinta Howlaha la xiriira qabsoomidda Doorashada Golaha Shacabka BFS.

Wafdi hordhac u ah Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka ayaa tagay Magaalada Dhuusamareeb si ay qayb uga qaataan soo dhaweynta Maxamed Xuseen Rooble oo ujeedkiisu yahay dardargelinta & hubinta Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Galmudug waxaa maalin kahor lagu soo gabagabeeyay Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS, sida qorshuhu yahay waxaa maalmaha soo socda la bilaabaya in la doorto Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballanqaaday in uu safar ku tago Dowlad-Goboleedyada si uu dardargeliyo qabsoomidda Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa rejo ka muujiyay in doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka oo keliya laga doortay labo kursi ay soo idlaado Dhammaadka December 2021.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post