1053 Views

Dowladda oo faahfaahisay hindise sharciyeedka Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka

Dowladda oo faahfaahisay hindise sharciyeedka Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 31–2019 | —Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo weli ba madax kale oo ka tirsan Wasaaraddaasi, ayaa maanta ka qeyb-galay kulan la tashi ah oo guddida Dhaqaalaha, Ganacsiga, Maal-gashiga iyo Warshadaha ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay Ganacsatada dalka kala yeelanayeen hindise sharciyeedka lagu sameynaayo sharciga jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

 

Kulankan oo ka qabsoomay Muqdisho, ayaa waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha guddida Dhaqaalaha, Ganacsiga, Maal-gashiga iyo Warshadaha ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibbaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, Xildhibbaan Daahir Maxamed Muuse, Xildhibbaan Cabdicasiis Cabdillaahi Yuusuf iyo guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga ee Soomaaliya iyo weli ba ganacsato oo tiro badan oo ka kala socdey qeybaha kala duwan ee ganacsatada dalka.

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray hindise sharciyeedkani, waxaana uu carabka ku dhuftay in Wasaaradda Ganacsigu ay dedaal badan soo gelisay sharcigan isla mar ahaantaana hore loogga ansaxiyey Golaha Wasiirada balse laga maarmi waayey in la tashi laga la sameeyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

 

“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadahu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah, waxay shaqo badan iyo dedaal badan ay gelisay sharcigan, waxaana iska kaashaday garyaqaanada Wasaaradda, kaalinna ay ka qaateen Wasaaradda Cadaaladda, Gayqaanka Guud, wada-tashi na laga la sameeyey cid walba oo la is lee yahay laga ma maarmaan ayey u tahay marka sharci la bilaabayo ama la dejinaayo”. Ayuu yidhi Inj.Cabdullaahi Cali Xasan

 

Dhinaca kale, waxa iyagu na halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddida Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Shacabka Md. Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, Xildhibbaano iyo weli ba guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Soomaaliya, waxaana ay dhammaantood aad ugu dheeraadeen muhiimadda uu sharcigani u lee yahay dalka.

 

Hindise Sharciyeedkan, ayaa hor-yaala Golaha Shacabka ee Soomaaliya, waxaana uu qeexayaa aas-aaska iyo dhismaha hay’adda qaran ee jaan-goynta iyo tayo-dhowrka ee dawladda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment