1038 Views

Aqalka Sanetka Kenya oo xil ka xayuubin ku sameeyay barasaabkii ismaamulka Wajeer

Aqalka Sanetka Kenya oo  xil ka xayuubin ku sameeyay barasaabkii ismaamulka Wajeer
____________________________________________________________________________

 

May 17 2021

Dood dheer oo aqalka Sanet-ka ka yeeshay warbixin ay u soo gudbiyeen guddi gaar ah oo baaritaankiisa loo xilsaaray ayaa waxaa ugu dambeyntii loo qaaday codeyn.

25 Sanatar ayaa u codeysay in barasaabka xilka laga qaado, halka 2 xubnood ay diideen.

Waxaa codeynta ka aamusay oo aan codkooda dhiiban 4 Sanatar.

Barasaabka ismaamulka Wajeer ayaa waxaa horey xil ka qaadis ugu sameeyay golaha wakiilka ee ismaamulka Wajeer.

Golaha wakiilada ayaa ka dib u soo gudbiyay aqalka Sanet-ka islamarkana waxaa loo saaray guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeyay eedeymihii loo soo jeediyay.

Eedeeymaha loo soo jeediyay barasaabka ismaamulka Wajeer ayaa waxaa ka mid ahaa in uu ku tuntay dastuurka dalka.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu jabiyay sharciga dowladda ismaamulka Wajeer iyo in uu ku tuntay sharciga qandaraas bixinta.

Waxaa uu barasaabkii ismamaulka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud noqonayaa barasaabkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi bari Kenya oo xil ka qaadis lagu sameeyo.

Doorashadii sanadii 2007-dii ayuu Mr Maxamed ku guuleysatay kursiga barasaabka ismamaulka Wajeer.

Waxaa uu horey u soo qabtay xilal kala duwan oo ka soo qabtay dowladihii soo maray dalka Kenya , isaga oo sidoo kale soo noqday safiirka Kenya u fadhiyay dalka Sacuudiga

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post