2211 Views

Aqalka Sare QM & Midowga Afrika Oo Ka Wada Xalinta Khilaafka DFS & Dowlad Goboleedyada

Aqalka Sare QM & Midowga Afrika Oo Ka Wada Xalinta Khilaafka DFS & Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 28 2018 —Gudoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ,kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waliba xalinta Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabaha looga hadlay kullanka.

” Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii loo dajin lahaa xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya,sidii shaqada Aqalka Sare uu haayo loo taageeri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan,sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa warbixin ka siiyay shaqada Aqalka sare sare uu soo qabtay”,

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii labaad Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ugu yeeray inay muqdisho yimaadaan si ay uga qyeb galaan shir wadatashi loona xaliyo tabashooyinka ay qabaan.

z1 z2 z3 z4 z5 z6

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment