1110 Views

Amar la dul-dhigay Wadayaasha Gaadiidleyda Muqdisho

Amar la dul-dhigay Wadayaasha Gaadiidleyda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Taliska Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa soo saaray amar ku socda dhamaan Gaadiidka ka dhex Shaqeeya magaalada Muqdisho iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.
Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa marka hore sheegay in ay u qorsheysan tahay in Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay keenaan Ciidamo dheeraad ah oo xirfad u leh marista wadooyinka oo shilalka ay kusoo bateen.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in dhamaan Gaadiidkaka Shaqeeya Magalada Muqdisho , kuwa garka loo leeyahay & kuwa Madaxda ay wataan in loo sameeynayo Sharciga gaadiidka, sida Buuga & Aqoonsiga Darawalnimo.
Ugu dambeyn taliyaha waxaa uu sheegay in shilalka Gaadiidka ay kusoo bateen Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay inay imtixaan ka qaadi doonan qof walba oo Gaari ku dhex wada Magaalada Muqdisho si loo hubiyo darawalnimadiisa.
Amarkan kasoo baxay Taliska Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa kusoo aadaya xilli ciriiri farabadan uu kajiro marista wadoyinka, taasi loo loo sababeeynayo wadooyinka qaar oo lamaha Amniga Soomaaliya ay xireen iyo kuwo ku xirmay Biyaha Roobka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post