2115 Views

Sawirro:-Ciidanka Danab Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hor Leh

Sawirro:-Ciidanka Danab Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hor Leh
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  24, 2019 –Ciidamada Kumaandooska ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo ballaaran oo lagu xaqiijinayo aminga Wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada walweyne ee Gobalka Shabeelada Hoose.

Ciidanka Danab ee Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha u galay lana wareegay deegaano hor leh oo ay shacabaka lacago kaga qaadi jireen Alshabaab,waa sida ay hadalka u dhigtay dowladda.

 

Deegaanada ay ciidamadu gaareen waxaa kamid ah Tulooyinka Godale, Cadalay,Luqamaan,Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga degmada Toora-Toorow ee gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay guulo ka soo hooyeen howlgalo ballaaran oo ay deeganadaasi ka sameeyeen,wuxuuna xusay in Al-Shabaab ay halkaasi isaga carareen.

 

Ujeedka ugu weyn ayaa ah in shacabku ay si nabad ah ku maraan wadada isku xirta Wala-weyn iyo Muqdisho,maadaama horey ay Al-Shabaab dadku ku dhibaateyn jireen,waa sida hadalka loog dhigay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment