663 Views

Muxuu Madaxweynaha Galmudug kala hadlay Maamulka Magaalada Gaalkacyo?

Muxuu Madaxweynaha Galmudug kala hadlay Maamulka Magaalada Gaalkacyo?
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi kaariye  (Qoorqoor) ayaa kulan la qaatay Maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo, isagoona halkaas warbixin dhinacyo badan taabaneysa kaga dhageystay maamulka iyo masuuliyiinta Magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlaha maamul ee ka socda Magaalada Gaalkacyo, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu Golaha degaanka Gaalkacyo ugu hambalyeeyay howlihii adkaa oo ay qabteen mudada ay jiraan.

Maamulka Golaha degaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in si wanaagsan ay ugu Shaqeeyeen bulshada Magaalada Gaalkacyo, iyaga oo sheegay in xilligan wax mashaariic ah aysan kajirin magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi kaariye  (Qoorqoor) ayaa Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa uu u tegay dil dhawaan loo geystay Sheikh Cali Axmed Farax ” Shikh Cali Dheere” oo ahaa maamulihii Xarunta Daryeelka Agoonta Ee Gobolka Mudug.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post