894 Views

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?
____________________________________________________________________________

Mgadisho | QOL |  June 17, 2020-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah ay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho,kaas oo ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad ee H/Sharciyeedka Nootaayooyinka,kaas oo Xildhibaannada Golaha Shacabka Isniintii la soo dhaafay la filayay inay marsiiyaan Akhrinta 2aad,balse kooram la’aan uu u baaqday kulanka.

Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa waxaa xalay loo diray farriimo ku saabsan in Maanta uu jiro Kulanka Golaha,isla markaana ay kasoo qeyb galaan waqtigana ilaaliyaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay hadda ku jiraan kala-fadhiga 7aad ee ugu dambeeya muddo xileedka Baarlamaanka,waxaana horyaalla Shaqooyin dhowr ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post