846 Views

Uhuru Kenyatta oo booqasho 3 maalmood ah ku tagay magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo

Uhuru Kenyatta oo  booqasho 3 maalmood ah ku tagay magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho 3 maalmood ah ku tagay magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, ka dib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa Felix Tshisekedi.

Diyaaradda Kenya Airways oo sidday madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa galabnimadii maanta ka caga dhigatay garoonka diyaaradaha N’djili ee magaalada Kinshasa ee caasimadda Koongada dimuqraaddiga ah.

Madaxweyne Kenyatta ayaa garoonka waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay madaxweyne Tshisekedi.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa booqashadiisa saddexda maalmood ah ujeedkeedu lagu sheegay in ay tahay, in la adkeeyo xiriirka wanaagsan ee labada dal u dhexeeya, iyada oo loo marayo kor u qaadista ganacsiga iyo isdhexgalka labada shacab.

Booqashada madaxweyne Kenyatta uu ku tagay Jamhuuriyadda dimuqraaddiga ah ee Congo, ayaa imaaneysa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Moxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saaka dib uga laabtay Muqdisho ka dib safar uu ku tagay Kinshasa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post