924 Views

Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda oo Caafimaad dibadda ah loo qaaday

Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda oo Caafimaad dibadda ah loo qaaday
____________________________________________________________________________

Afhayeenka Xukuumadda M Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dhaawaciisa loo qaaday dalka dibaddiisa, waxaana ku sagootiyey Garoonka Aaden Cadde xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Mas’uuliyiinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo saxafiyiin Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay dadaal ku bixin doonto baxnaaninta dhaawaca Afhayeenka oo shalay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxs uu la beegsaday Qarax.

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Liibaan Cabdi Cali oo ka warbixiyey dhaawaca Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladdiisu ay soo hagaagayso, haatana loo qaadayo dalka Turkiga si halkaas loogu sameeyo daaweyn dheeraad ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post