918 Views

Cali Yare Cali oo ka hor yimid banaanbaxa Wasiirka amniga uu ku fasaxay

Cali Yare Cali oo ka hor yimid banaanbaxa Wasiirka amniga uu ku fasaxay
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 22, 2021

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay amar ka soo baxay Wasiirka amniga uu ku fasaxay in la qaban karo banaanbax lagu dalbanayo iney cadaalad hesho Ikraan Tahliil.

Banaanbaxan ayaa waxaa dalbaday qoyska Ikraan Tahliil oo wasiirku kula kulmay xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in qof wasiirnimadiisa lagu muransan yahay uusan awood u laheyn inuu fasax ceynkaas ah bixiyo.

waxaa Idaacadaha ka hadlay nin kursigiisa lagu muransan yahay C/llaahi Maxamed Nuur oo ah nin aan saaxiibo nahay oo toban sano ka shaqeyn jiray xafiiskeyga, kaasoo sheegay inuu bixiyey ogolaansho banaanbax, arintaas waxaan oran karnaa waa mas’uuliyad daro ah, waa arrin qar iska-tuurnimo ah, waxay aheyd inuu sugo inta a xalaaleynayo” ayuu yiri Cali Yare.

Waxaa uu intaas ku daray in laamaha amaanka gobolka Banaadir aysan aqoonsaneyn, lana shaqeyn doonin nin aan ku imaanin sharciyada dowladnimadu ku dhisan tahay sida uu yiri.

Cali Yare ayaa xusay in dadku isku soo baxaan, fekerkoodana cabiraan ay tahay arrin dastuuri ah, balse ay jiraan tilmaamo iyo habraacyo ay tahay in loo soo maro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post