1611 Views

R.W Khayre oo amray in la sii daayo Maxaabiis

R.W Khayre oo amray in la sii daayo Maxaabiis
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 3, 2016 – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii shalay ee mgaalada Garowe waxa ay iskula garteen in la sii daayo maxaabiis Soomaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla magaaladaasi.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu sheegay in Khayre uu amar ku bixiyay sidii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi, kadib markii ay ka wada hadleen isaga iyo Madaxda Puntland.

Arrintan ayaa inay dabagal ku sameeyaan waxaa loo xil saaray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Wasiirka Cadaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfafinta ayaa yiri “Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo maxaabiista ku xiran halkan, wuxuuna hawshan u xil saaray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Wasiirka Cadaaladda, sii deysmada maxaabiistan waxaa loo marayaa hanaankii lagu soo daayay maxaabiistii dibadda.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu hoggaminayo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa caawa waxa ay ka qeyb galayaan dabbaaldegga munaasabadda 20 sano guurada ka soo wareegtay aasaaska Puntland, kadib ayay soo gaba gabeyn doonaan safarkoodii Garowe.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment