2388 Views

Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku soo wajahan !

Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo  Muqdisho ku soo wajahan !
____________________________________________________________________________

Turkiga , Ogoosto 29, 2018 –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo wajahan Magaalada Muqdisho sidda ay xaqiijiyeen ilo ku dhow.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga waddaa in uu kulamo la qaado qeybaha kala duwan ee bulshadda kunool Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ka dhoofay ka dib markii looga guuleystay doorashadii Sanadkii hore ka dhacday Magaalada Muqdisho, Waxaana uu deganaa dalalka Turkiga iyo Tanzania.

Safarka imaanshihiisa Magaalada Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa ay ku soo beegmaysa, iyadoo 10-ka Bisha soo socota la filaayo inuu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka Somaliya, maadaama Xasan Sheekh uu yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Turkiga 

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment