1584 Views

Jubbaland oo sheegtay inay burburisay fariisimo Al Shabaab

Jubbaland oo sheegtay inay burburisay fariisimo Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 10, 2018–Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay inay hawlgal ku bur burisay saldhigyo ururka Al Shabaab ay ku lahaayeen degaano ka tirsan gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Wasiiru dowlaha amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale ay burburiyeen fariisimo Shabaab ay ku lahaayeen dhulka buuraleyda ah ee Ceel-Waaq, Baardheere iyo Garbahaarey.

Wuxuu sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan hawlgal balaaran oo Shabaab looga saarayo degaanada ay ka joogaan Jubbaland, taasi bedelkeeda ayuu dalbaday inay helaan ciidan badan oo Al Shabaab ka saara fariisimaha dagaal ee ay ku sugan yihiin

“Hawlgalada way socdeen, waxaan Shabaab ka burburinay fariisimo ay ku lahaayeen gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose, buuraleyda u dhaxeysa Ceel-waaq, Baardheere iyo Garbahaarey ayay ka sameysteen fariisimo, waxaa dhawaan imaan doona hawlgalkii ugu dambeeyay, waxaan dalbaneynaa ciidamo dheeraad ah”. ayuu yiri Wasiiru dowlaha Jubbaland

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhawaan kulan uu saraakiisha ciidanka dowladda, kuwa Jubbaland iyo kuwa AMISOM la qaatay wuxuu ku bogaadiyay inay kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab, si guud ahaan looga saaro Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment