354 Views

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa ka digay jawaab celin culus hadii Ruushku Digniina u diray Madaxweyne Putin

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa ka digay jawaab celin culus hadii Ruushku  Digniina u diray Madaxweyne Putin
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 17, 2022

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa ka digay jawaab celin culus hadii Ruushku dagaalka Ukraine u adeegsado nukliyeer xaddidan ama hubka kiimikada.

Mar uu Biden la hadlayay wakaaladda wararka ee CBS, waxaa uu sheegay in tallaabada noocaas ah ay weji cusub u yeeli karto dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa heegan gaar ah geliyay ciidamadiisa ku hubeysan nukliyeerka, kaddib duullaankii uu Ukraine ku qaaday bishii Febraayo.

Waxaa isa soo tarayay walaaca waddamada reer Galbeedka, taas oo ku aaddan in madaxweynaha Ruushka, Vladymyr Putin uu soo bandhiggo istaraatijiyad cusub iyadoo ciidamada millateriga Ruushka ay lumiyeen meelo kamid ah Ukraine.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post