1230 Views

Taliska Ciidanka xooga oo soo saaray Amar ku socda Madaxa Koonfur Galbeed

Taliska Ciidanka xooga oo soo saaray Amar ku socda Madaxa Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-30-2020–Maalmihii la soo dhaafay waxaa kordhay weerarada ay Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ka geystaan degaannada Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana taliska Ciidanka xoogga dalka uu soo saaray qorsho looga hortagayo weeraradaas.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Jenaral Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa ku amray dhamaan Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan degaannada Maamulkaas inay dib ugu laabtaan Xeryahooda iyo difaacyadii ay ka Shaqeyn jireen.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed inay ilaalo ka dhigteen Ciidamadii loo baahnaa inay sugaan Amniga degaannada Maamulkaas,waxaana uu ku amray dhamaan Ciidamada inay difaacyadooda dib ugu soo laabtaan.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ee soo wareejin waaya askarta ilaalada u ah ee loogu talo galay difaacyada inay si amar la’aan ah uga soo wadan doonaan si Ciidamadaas ay u noqdaan kuwa Shaqadooda qabsada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post