402 Views

Gudniinka ragga oo aaney ku badneyn Wadamada Yurub

Gudniinka ragga oo aaney ku badneyn Wadamada Yurub
____________________________________________________________________________

Talaado:AUGUST 30, 2022

Qaaradaha Afrika iyo Ameerika, iyo sidoo kale dalalka ku dhaqma caqiidada Islaamka, ayaa gudniinka ragga waxa lala xiriiriyaa dhaqanka iyo caqiidada.

Tusaale ahaan, boqolkiiba 99.9, ayaa ragga Marinka Gaza ku nool la guday. Dalalka Marooko, iyo sidoo kale Afgaanistaan, in ka badan 99%, ayaa iyana ragga la guday.

Sida laga soo xigtay World Population Review, in ka badan 92% ragga ku nool dalka Itoobiya, ayaa la guday. Eritrea, ayaa ka badan tirade la guday 97%.

Taa lidkeeda, gudniinka ragga ee dalalka Yurub iyo Koonfurta Ameerika ayaa waxay tiradeedu wuxuu ka hoosaysaa eber.

Gudniinku waa hab loogga saaro maqaarka hore xubinta taranka ee ragga.

Dr. Bede Lema, waa khabiir ku takhasusay habka taranka ee ragga, iyo hab-dhiska taranka ee cusbitaalka guud ee Adama ee dalka Itoobiya.

Khabiirku ayaa wuxuu daaha ka qaaday in ka hor inta aynaan u gudbin faa’iidooyinka iyo khasaaraha gudniinka, in loo baahan yahay inaan eegno asalkiisa halka uu kasoo jeedo

Wadamo badan oo ay ku jirto Itoobiya, asal ahaan gudniinka ragga lama xiriiro dawo, balse waa wax ku qotoma diin iyo dhaqan.

Wadamo badan oo ay ku jirto Itoobiya, bilawga gudniinka ragga kuma xidhna dawo, balse waa diin iyo dhaqan.

Dhaqtarku ayaa wuxuu sharxayaa in cilmi-baaristii ugu dambeysay ee muujinaysa faa’iidooyinka gudniinka ay la xiriirto fiditaanka HIV.

Ragga la guday, ayaa boqolkiiba 50 ilaa 60% ka khatar yar inay qaadaan HIV, marka loo eego ragga aan gudnayn.

Dr. Bede ayaa waxa uu intaa ku daray in daraasaddan kadib lagula taliey ragga aan la gudin iney is gudaan.

Waa maxay faa’iidooyinka gudniinku? Waa su’aal aan waydiinay dhakhtarka inuu ka jawaabo.

Bede, ayaa carabka ku dhuftay in gudniinka uu gacan ka geysanayo kahortagga ‘caabuq’ u horseedi kara kansarka, gaar ahaan bulshada aan si fiican u ilaalin karin nadaafadda.

Tani waa faa’iidada ugu weyn ee gudniinka, ayuu yiri dhakhtarku. Gudniinku waa mid ka mid ah tallaabooyinka ka hortagga cudurrada la xiriira buuryada.

Dr. Bede Ghirzat, ayaa ku macneeyay in aan si weyn looga aqbalin dunida reer galbeedka tani, isagoo uu tilmaamay inuu qeyb ka yahay gudniinta saameynta diinta iyo dhaqanka.

Vatican-ka ayaa kaga jira heerka ugu hooseeya ee gudniinka ragga ee waddan kasta oo ku yaalla adduunka.

Adduunka caafimaadka, tusaale ahaan, dalka dalka Kuuba ee Koonfurta Ameerika, gudniinka ragga waa 0.10. Sidoo kale, waa 0.6% gudaha Portugal, 9% Japan, 14% gudaha Faransiiska, iyo 20% gudaha Boqortooyada Ingiriiska.

Qiimayntan lagu sameeyay dalalka ku dhaqma farsmada wadamada gudniinta, ayaa waxa ugu badan ragga la guday, dalalka heysta sida weyn u aaminsan diinta Islaamka.

Marka laga soo tago, dalalka qaaradda Afrika sida Ereteriya, Nigeria, iyo sidoo kale Itoobiya, ayaa in ka badan 90% ay gudan yihiin raggooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post