1089 Views

Dr Xabeeb oo ka cawdey maalinta loo asteeyey doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Dr Xabeeb oo ka cawdey maalinta loo asteeyey doorashada madaxweynaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 7, 2021

Dr. Cabdulraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) ayaa ka cawdey jadwalka ay soo saareen golaha wada tashiga qaran, gaar ahaan midka ku saabsan maalinta ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya, taasoo ku asteysan 10-ka October.

Dhakhtarta ayey cabashadiisu ka danbeysay, maadaama lagu beegay taariikhda ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 10-ka October, oo sidoo kale loo asteeyey maalintani Maalinta caalamiga ee ka hadalka, iyo sidoo kale ku baraarujinta sidii loo kaalmeyn lahaa dadka lanool cudurkani.

Dhakhtarka oo shir jaraa’id oo uu qabtey ka hadlayey, ayaa intaa raaciyey inaanu kasoo horjeedin dhicitaanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, laakiin dhanka kale ay tahay wax laga xumaado in shaqadii ay bulshada u hayeen lasoo fara galiyey.

Maalinta 10-ka October, waxey ku asteysan tahay maalinta caalamiga ee dadka lagu baraarujiyo ogaanshaha waxa uu yahay cudurka dhimirka, iyo u doodista dadka lanool

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post