1494 Views

Agaasime ku-xigeenka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Tababar soo xiray

Agaasime ku-xigeenka  Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Tababar soo xiray
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Hay’ada  laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo uu Agaasime ka yahay, Col Maxamed aadan Jimcaale Koofi, ayaa sheegaya in shaqaale ka tirsan Hay’adaasi tababar loo soo xiray.

Siminaarkan oo socday maalmo ayaa Waxaa soo xiray K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda {HSJ} Col, Cusmaan Xasan Cosoble, waxaana ka Qeyb galay shaqaale ka tirsan Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Wasaaradda Caafimaadka ee XFS.

Tababarka oo ku saabsanaa ka hortaga Cudurka safmarka ah ee CoronaVirus iyo Maamulka xuduudaha, Ayaa ujeedada loo qabtay waxey tahay xiligaan oo ey jiraan dhibaatooyinku sidii Saraakiisha safka hore ee ka howlgala Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, sare loogu qaadi lahaa aqoontooda iyo xirfaddooda si ay uga hortagaan cudurka degdega u faafa ee CoronaVirus.

Tababarkaan oo socday mudo 4 maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee HSJ, oo dhanka fududeynta iyo bixinta casharada tababarkaba la kaashatay Hey’adda Socdaalka Qaramada midoobay (IOM)

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Cusmaan Xasan Cosoble oo tababarka soo xiray ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Wasaaradda Caafimaadka ay labaduba ka howlgalaan Xuduudaha Dalka ayna muhiim tahay in aqoontooda iyo xirfadoodaba sare loo qaado. Sidoo kale K/xigeenka Agaasimaha Guud ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay kula noqdaan aqoonta ay ku barteen Tababarka Xafiisyada ay ka kala shaqeeyaan, dhanka kalena waxa uu u rajeeyey inay wax badan ka badali doonaan habka ay iminka u shaqeeyaan.

sidoo kale Ugu dambeyn Saraakiisha ka qeybqaadatay tababarkan ayaa la gudoonsiiyay Shahaado ka marqaati kaceysa Cilmiga ay barteen afartii maalmood ee uu Tababarku u socday

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda {HSJ} oo uu Agaasime ka yahay Col Maxamed aadan Koofi oo nin dhalinyaro ah ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay ay ku talaabsatay horumar la taaban karo, waxaana Koofi iyo Teamka la shaqeeyo ay muujiyeen dadaal.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post