3636 Views

Nin quraac heeystaa qado loogu daraa !

____________________________________________________________________________

 

Toronto | 24 03 2016|  Waxaan arki jiray in markii reerku qabo Mowtakaal, Allabari, Xus ama Sab qofba siduu u yaqaano in ragga magaca ku leh reerka sida madaxda, oday dhaqameedyada iyo Tujaarta la fadhiisin jiray gogol aad looga shaqeeyay oo si qurux badan loo xardhay, iyadoo markii xoolaha la qalo beerka iyo inta hilibka ugu macaan isagoo kulul loogu soo degdegi jiray raggaas dheregsan, kedibna loogu xijin jiray cambuulo iyo bun kulul iyo Toor.

Iyagoo halkooda fadhiya ayaa qadadii oo laga soo xulay qaybaha ugu nafaqada badan loo soo dhigi jiray, iyadoo danta laga leeyahay aysan ahayn in la baahi tiro laakiin loo tusin jiray raggaas halka ay reerkaas gogoshu u taalo ka taagan yihiin iyo sharafta iyo xushmadda loo hayo.

Waxaa kaloo islamarkaa banaanka guriga Allabarigaasi ka jiro buux dhaafin jiray masaakiintii, iyadoo shaqsi reerkaa ka tirsan banaanka hadba u soo boxo kala eryi jiray, kuwa fara kutiriska ah ee dhega adeeygana loo keeni jiray reereebkii ay soo reebeen raggii dheregta markii horeba la naaxsanaa.

Dagaaladii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen Puntland waxaa jirtay in dowladda federaalku ay aad uga hadashay una gurmatay iyadoo hub, raashin iyo rasaas ku caawintay maamulka Puntland oo aan habayaraatee kaalmo aysan u baahnayn u arkayay islamarkaana aanan ka mahad celin iskuna filnaaday kana adkaaday kooxdii dhiigyacabka ahayd ee ku soo duushay.

Dhanka kale waxay dadyoowga degaanada kale ee ay kooxdaasi waqtiga dheer xooga ku haysatay, kana baryayay waqti dheer dowladda federaalka inay kaalmo iyo ciidan la soo gaarto, waxay ku dhaleeceeyeen kooxda fadhida Villa Soomaaliya in ay dadka Soomaaliyeed ee gargaarka u baahnaa aysan dan ka gelin, haseyeeshee kuwii isku filnaa ay sharaf iyo magac ka raadsadeen.

Waxaa wax lala yaaba ah kedib markii Puntland ay degaannadeedii qaybo badan oo ka mid ah ka dagaalgashay keligeed, kana adkaatay cadawgii, dowladdaan villa Soomaaliya fadhida oo ay 80 kun ciidamo ajnebi ah qarash badana lagu bixiyo kana hub iyo awood badan ciidamadii Puntland aysan degaannada CEELBUUR, CEELDHEER & XARARDHEERE ka saari karin koox farakutiris ah oo aad u tabar daran.

Waxaan u gartay istustuska maanta ay Ceelbuur ka sameeynayaan inuusan niyad ka ahayn ee ay ceebtii ka soo gaartay Puntland ku daboolayaan ee aysan niyad ka ahayn DAMULJADIID.

 

Mustafa S Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment