972 Views

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 28 2020–Qaraxaan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada marta dhabarka dambe ee Barxada Iskaashatooyinka oo ku dhow Guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid loogu xiray Gaari uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Magaciisa lagu soo koobay Jaabiri,kaas oo qaraxa ku geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo joojiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka,waxaana haatan socda daminta gaariga uu lahaa Sarkaalka oo uu dab ka kacay.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada qaraxaas,hayeeshee qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegta inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment