897 Views

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo sheegtay in la soo geba-gabeeyay sixitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee 8-aadka.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo  sheegtay in la soo geba-gabeeyay sixitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee 8-aadka.
____________________________________________________________________________


Arbaco: August 18, 2021

Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa sheegtay in la soo geba-gabeeyay sixitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee 8-aadka.

War ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa lagu sheegay in la dhammaystiray sixitaanka Imtixaanka, islamarkaana todobaadka soo socda la shaacin doono natiijadiisa.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadashay sababaha keenay, in uu markii hore dib u dhac ku yimaado sixidda Imtixaanka, xilli uu bilowday sannad-dugsiyeedka cusub iskuulada Waxbarashada.

Saxidda Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Puntland ayaa dib u dhac ku yimid markii ugu horraysay, iyada oo ay sababtay duruufo kale duwan oo ka mid yahay xannuunka COVID-19.” Ayay tiri wasaaraddu.

Dib u dhaca Imtixaanka ayaa horseeday in aan weli la xaadirin fasalka kowaad ee dugsiyada sare (Form One), taas oo ay walaac ka muujiyeen waalidiinta Ardayda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post