387 Views

Madaxweynaha Cusub Kenya William Ruto oo Madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha Xilka ka dagayo Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Cusub Kenya William Ruto  oo Madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha Xilka ka dagayo Uhuru Kenyatta.
____________________________________________________________________________

.

Isniin: SEPTEMBER 12, 2022

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta.

Ruto ayaa gaaray madaxtooyada gelinkii danbe ee maanta, waxaana ku qaabilay madaxweynaha martida loo ahaa ee Uhuru Kenyatta.

Booqashada Madaxweynaha la doortay ayaa waxaa ku wehlineysay xaaskiisa Rachel Ruto.

Waa markii ugu horeysay oo ay kulmaan labadooda tan iyo markii ay Kenyan-ka ka qeyb galeen codbixintii lagu dooranayay madaxweyne cusub.

Labadan masuul ayaa is khilaafay horraan ka dib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu taageeray hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga doorashadii dhowaan dhacday.

Kulankooda ayaa ku soo beegmaya maalin ka hor xafladda dhaarinta madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Ku dhawaad​​20 hogaamiye oo ka kala socda dalal kala duwan ayaa la xaqiijiyay inay ka qeyb galayaan xafladda beri oo Talaado ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Bidden, ayaa Sabtidii, ku casuumay shan wafuud inay ka soo qaybgalaan xafladad, oo uu ka mid yahay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Meg Whitman.

Ruto ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo kadib markii uu ka guuleystay musharraxa mucaaradka Raila Odinga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post