1431 Views

Mo Farah oo sheegay in dhac loogu geystey hotel ku yaal magaalada Addis Ababa

Mo Farah oo sheegay in dhac loogu geystey hotel ku yaal magaalada Addis Ababa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 26, 2019 —Orodyahanka afarta jeer ku guuleystey billada dahabka tartanka Olombikada ee Mo Farah iyo Orodyahanka Haile Gebrselassie ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf ka dhashay tuuganimo ka dhacday hotel uu leeyahay Gebrselassie oo ku yaal magaalada Addis Ababa.

 

Farah oo u orda wadanka Britain balse asalkiisu uu yahay Somali ayaa sheegay in laga xaday lacag,saacad iyo labo taleefanka gacan qaadka qolka uu degenaa balse uusan wax kaalmo ah ka helin Gebrselassie oo ah milkiilaha hotelka.

 

Hase yeeshee Gebrselassie ayaa beeniyay in hotelkiisa ay ka dhacday tuuganimo waxana uu ku eedeeyay Farah qayaano iyo inuu doonayo inuu sumcadiisa ku ciyaaro.

 

Mo Farah ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah uu degenaa Hotelk uu leeyahay Gebrselassie xilli uu tababar ku qaadanayay dalka Ethiopia lagana xaday lacag,mobaylo iyo saacad 23kii bishii March ee sanadan.

 

Hase yeeshee Wakiil u hadlay Gebrselassie ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo sidii uu tallaabo sharci ah uga qaadi lahaa Farah oo eedeyntan soo jeediyay xillu uu ku sugnaa dalka Britain.

 

Gebrselassie ayaa sheegay in dadka hotelkiisa dega la weydiiyo marka ay soo degayaan in ay cadeeyaan lacagaha kaashka ah oo ay wataan wixii ka badan 350 dollarna la weydiisto in ay u dhiibtaan hotelka si loogu hayo,balse uu Mo Farah diiday inuu u dhiibto lacagaha uu watay hotelka.

 

“Hotelka mas’uul kama aha loomana qabsan karo maadaama uu diiday Farah in loo hayo lacagta balse baaritaan ay ciidamada boolisku ku sameeyeen shank a mid ah shaqaalaha wax cadeyn ah waa lagu waayay waana la sii dayay.”ayuu yiri orodyahankii hore ee dalka Ethiopia oo ka jawaabayay eedeymaha loo soo jeediyay.

 

Gebrselassie, ayaa sidoo kale sheegay in hotelkiisu uu qiime dhimis boqolkiiba konton ah u sameeyo Farah balse uusan bixin lacagihii lagu lahaa oo uu iska tegey.

 

Khilaafkan soo kala dhex galay orodyahanadan caanka ah ayaa ah mid ugub ah illaa iyo haddana ma jirto cid ka madax banaan oo dhex gasha si khilaafkooda loo xaliyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment