885 Views

Taliyaha Cidamada lugta ee Dalka Uganda oo soo gaaray Muqdisho

Taliyaha Cidamada lugta ee Dalka Uganda oo soo gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________


Isniin: September 27, 2021

Taliyaha Ciidamada lugta Uganda Jeneral Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Jeneral Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayay ay si kala gaar ah ay ula kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee telefishinka qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Jeneraal Muhorzi Kainerugaba.

“Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya.” ayaa lagu yiri isla qoraalkaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post