684 Views

Puntland oo shaacisay jadwalka doorashada 10 Kursi

Puntland oo shaacisay jadwalka doorashada 10 Kursi
____________________________________________________________________________

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa Maanta oo Axad ah  waxaa ay shaaciyeen Jadwalka Doorashada 10 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, kuwaas oo Puntland dhawaan liiskooda shaacisay.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in 17 Bishaan oo Beri ku beegan la bilaabayo Diwaangalinta, tababarka iyo shaacinta guddiyada xulista ergada, halka 18-ka la soo gudbinayo ergada la hubinayo, diwaangalinta iyo tababarka ergada, sidoo kale  20-ka Bishaan ay bilaabaneysa Qabashada araajida, diliwaangalinta iyo hubinta dhamaystirka iyo shuruudaha musharaxnimo.

Guddiga ayaa shaaciyay in 21-ka Bishaan la qabanayo doorashada qaybta 1aad ee kuraasta Golaha Shacabka ee la shaaciyay.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in Qeybta labaad ee doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ay Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleedka ee Puntland shaaciyeen, kaas oo u dbmhigmaayo sidaan.
20-ka Bishaan ayaa waxaa la bilaabi doonaa Diwaangalinta, tababarka iyo shaacinta guddiyada xulista ergada qeybta 2aad, halka halka 22-ka la soo gudbinayo ergada la hubinayo, diwaangalinta iyo tababarka ergada, sidoo kale 24-ka Bishaan ay bilaabaneyso Qabashada araajida, diiwaangalinta iyo hubinta dhamaystirka iyo shuruudaha musharaxnimo
Ugu dambeyn Guddiga ayaa shaaciyay in 25-ka Bishaan la qabanayo doorashada qaybta 2aad ee kuraasta Golaha Shacabka ee la shaaciyay.
Shanta Dowlad Goboleed ee kajira dalka ayaa haatan u diyaar garoobaya doorashada Golaha Shacabka, iyaga oo fulinayo heshiiskii Golaha wadatashiga oo ay ku gaareen Magaalada Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post