1161 Views

DFS oo amar dul-dhigtay diyaarad kasta oo ku socota ama ka timaada Kismaayo

DFS oo amar dul-dhigtay diyaarad kasta oo ku socota ama ka timaada Kismaayo
____________________________________________________________________________

muqdisho | QOL | Ogoosto 29, 2019 –Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda Diyaaradaha taga ama ka yimaada Garoonka Diyaaradaha  Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

 

Diyaaradahas ayaa lagu amray in markii ay tagayaan iyo markii ay kasoo tagaan Magalada Kimaayo ay waajib ku tahay inay soo maraan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho,Go’aankaas oo ay hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ay sheegtay in looga gol leeyahay hubinta iyo koontaroolka diyaaradaha ka dega Kismaayo.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Go’aankaan ay sidoo kale dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku ogaato diyaaradaha ka taga Magalada Kismaayo,xilli weli uu jiro khilaafka xoogan ee kala dhaxeeya Maamulka jubbaland.

 

Tallaabadaan ay qaaday Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah ayaanana la ogeyn  inays aameyn ku yeelan karto Xaflada Calemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la qorsheeyay inay dhacdo 26/9/2019.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment