978 Views

Ciidamada PUNTLAND oo howlgal culus iyo duqeymo ka fuliyey buuraha Galgala

Ciidamada PUNTLAND oo howlgal culus iyo duqeymo ka fuliyey buuraha Galgala
____________________________________________________________________________


khamiis: March 17, 2022

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ballaaran oo ciidamada difaaca Puntland ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa waxaa lagu beegsaday deegaanada Dhagax-dhaabur iyo Habar-hagoogan ee Silsiladda Golis ,gaar ahaan Galgala sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka.

Ciidamada ayaa goobahaasi ku qaaday duqeymo iyo weeraro toos ah oo ay ku beegsadeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Saraakiisha ciidamada ee horkacayey howlgalladaas ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, aynka kala wareegeen saldhiyo ku yaal halkaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla-markaana ujeedka uu yahay sidii looga saari lagaa deegaanka.

Ma jiro dhanka kale illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran Puntland.

Xaaladda deegaanada lagu dagaalamay ayaad aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada ka socda buuraleyda gobolka Bari.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post