879 Views

Dowlada Suudaan oo sheegtay inaysan dagaal la galaynin Itoobiya

Dowlada Suudaan oo sheegtay inaysan dagaal  la galaynin  Itoobiya
____________________________________________________________________________

Talaado 9  Febraayo Qaranimo Online

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in aysan dooneyn in dagaal ay la gasho Itoobiya kaddib xiisadda ka dhalatay muranka xudduuda labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdook ayaa Axaddii sheegay in Suudaan aysan wax dan ah ugu jirin inay dagaal ku qaaddo Itoobiya.

Wuxuu sheegay in dalkiisa aysan ka go’neyn in uu ka qeyb qaato dagaal kasta oo ka dhasha muranka xuduudda.

Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu Suudaan kula kulmay wufuud ka socotay dalka Finland.

\ toobiya waxay dhankeeda ku celcelisay baahida loo qabo in la baneeyo deegaanada uu khilaafka ka taagan yahay si loo xalliyo xiisadda.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa BBC u sheegay in Itoobiya aysan dooneyn in cid kale ay faraha lasoo gasho xaaladda si loo xalliyo xiisadda ka dhex taagan labada waddan.

Iskudhaca labada waddan ee hadda taagan wuxuu ku saabsan yahay dhulka loo yaqaanno Al-Fashaqa, halkaas oo ah meesha uu gobolka Amhara ee waqooyiga-galbeed uga yaalla Itoobiya uu xadka kala wadaago gobolka Gedaref ee dalka Suudaan.

toobiya: “Aamusnaanteenna ma aha inaan ka cabsaneyno Suudaan”

Yaa iska leh Webiga Nile – muxuuse muhiim u yahay?

Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer kaas oo dhan 750 kiilo mitir.

Xiisaddan ayaa soo cusboonaatay kaddib markii ay guul darreysteen wadaxaajoodyadii ku saabsanaa Biyo xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso Wabiga Nile.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post