816 Views

Japan oo maalgelineysa teknolojiyad dhalinyarada ka caawineyso qorshaha guurka

Japan oo maalgelineysa teknolojiyad dhalinyarada ka caawineyso qorshaha guurka
____________________________________________________________________________

Dowladda Japan ayaa waddo dadaallo ay ku xoojineyso heerka dhalmada dalkaas si ay u adeegsato barnaamij teknoloji ah oo dadka ka caawinayo inay raadsadaan qofka ay doonaayaan inay guursadaan.

Barnaamijkan ayaa ah mid qof loogu raadinayo qofkii uu guursan lahaa si sare loogu qaado tirada carruurta ee sannadka kasta dalkaas ku dhalata.

Japan wuxuu hoos u dhac ku yimid tirada carruurta dhalata sannad kaksta.

Laga bilaabo sannadka soo socda dowladda waxay taageeri doontaa barnaamijka, inkasta oo ay horraan dowladda u wadday mashruucyo dhanka teknolojiyadda ah oo dadka ka caawinayo qorshaha guurka gaar ahaan xulashada qofka.

Sannadkii la soo dhaafay tirada carruurta ku dhalatay gudaha Japan waxay ka hooseysay 865,000- waana tiradii ugu hooseysay ee laga diiwangeliyo.

Dalkan wuxuu in muddo ah raadinayay taallaabooyin looga hortaggayo taran la’aanta iyadoo sare loo qaadayo tirada dhalmada.

In la xoojiyo barnaamijkan casriga ah wuxuu kamid ahaa dadaalladii ugu danbeeyay ee wax looga qabanayo arrintaas.

Sanadkan nagu soo aadan dowladda Japan waxay qorsheyneysaa in maamulada hoose ay u qoonddeyso 19 malyan oo doolar oo lagu xoojinayo dhalmada, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Horraan waxaa u jiray adeegyo ku aadan qorshaha guurka oo qofka laga caawinayo raadsashada qofkii uu la aqal geli lahaa balse in xarigga laga jaro barnaamijkan casriga ah wuxuu horseedi doonaa in la sameeyo daraasad xooggan oo ku saabsan heerarka dadka gurddoonka ay gudbinayaan xogtooda.

Nidaamyo haatan jiro ayaa ah kuwo xaddidan kuwaas qofka uu kusoo bandhigayo dhakhliga soo gala, da;diisa, haddii qofka guurddoonka ah uu shaaciyo macluumaadkaas uu helayo qofkii uu guursan lahaa.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in maalgelinta barnaamijkan looga golleeyahay in lagu dardargeliyo qorshe ay lacago badan ku baxayaan oo ku saabsan hiwaayadaha qofka iyo qiyamka.

“Waxaan si gaar ahaaneed u qorsheyneynaa in aan taageerno dowladaha hoose si ay u bilaabaan qorshaha teknooloojiyadda ee bulshada ka caawinayo inay helaan qofkii ay guursan lahaayeen” ayuu yiri wasiir ka tirsan dowladda Japan oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

Wuxuu intaas ku daray “Waxaan ku rajo weynyahay in qorshaha uu wax ka qaban doono hoos u dhaca heerka dhalmada”

Tirada bulshada Japan ayaa sanadkii 2017-kii la saadaalinayay inay hoos u dhacdo 53 malyan dabayaqaada qarniga.

Sachiko Horiguchi oo ah bare ka tirsan jaamacadda Temple ee Japan ayaa waxay qabtaa in dowladda ay dhalinyarada ka caawiso qorshe shaqaaleysiin ah intii lagu dhawaaqi lahaa barnaamijka teknooloojiyadda ee wax looga qabanayo dhalmada.

“Haddii dhalinyarada aysan damacsaneyn in wax shukaansadaan, barnaamijka ka caawinayo inay helaan qofkii ay guursan lahaayeen wax mid aan waxbo soo kordhineyn” ayay tiri Dr Horiguchi xilli ay la hadleysay BBC-da.

Waxay intaas ku dartay “Haddii aan ku tiirsanahay teknooloojiyadda waxaa ka fiicnaan laheyd teknooloojiyadda naga caawineyso guryaha ama xanaaneynta carruurta”

Dadka falaanqeeya xaaladda Japan ayaa ku warramayaa in haweenka dalkaas aysan heysan wax taakulo ah haddii ay ahaan laheyd in lag caawiyo howlaha guriga ama xanaaneynta carruurta marka ay shaqada ku maqan yihiin.

Dowladda waxay sheegtay inay dooneyso in haween badan ay ku dhiirigeliso inay helaan shaqooyin badan sanadaha soo socda.

BBC

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post