954 Views

Kuuriyada Waqooyi oo qaaday tilaabo ka dhan ah Xukuumada Kuuriyada Koonfureed

Kuuriyada Waqooyi oo qaaday tilaabo ka dhan ah Xukuumada Kuuriyada Koonfureed
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 16 2020Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday in ay  qarxisay xafiis kala dhaxeeyay Koonfurta oo ku yaallay meel u dhaw magaalada xadka ku taal ee Kaesong sidda uu xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Milaariga dalkaasi.

Dhanka kale waxaa xaqiijiyay tilaabadda Kuuriyadda Waqooyi qaaday Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed.

Tallaabada ayaa waxa ay imaanaysaa saacado uun kaddib markii Waqooyigu uu soo cusboonaysiiyay hanjabaaddiisa ah inuu Koonfurta ka qaadi doono tallaabo milateri.

Goobta oo ka tirsan dhulka Waqooyiga ayaa waxaa la furay 2018 si ay uga caawiso labada Kuuriya inay xiriir isgaarsiineed yeeshaan.

Xafiiskan labada dal ka dhaxeeyay ayaanay cidina joogin tan iyo bishii Janaayo xayiraadaha Covid-19 awadii.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post