378 Views

Dowladda Hindiya oo shaqada ka ceyriday Askar si lama filaan ah Gantaal ugu riday Dalka Pakistan

Dowladda Hindiya oo shaqada ka ceyriday Askar si lama filaan ah Gantaal ugu riday Dalka Pakistan
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 24, 2022

Ciidamada Cirka ee Hindiya ayaa sheegay in dowladdu ay shaqada ka ceyrisay saddex sarkaal oo si lama filaan ah gantaal ugu riday Pakistan bishii March, dhacdadaas oo ay si deggan u maareeyeen labada dal ee isku haya hubka Nukliyeerka.

Dowladda Hindiya ay sheegtay in dowladdu ay shaqada ka eriday saddexdaasi sarkaal si degdeg ah waxa laga bilaabo talaadada maanta ah.

Hindiya ayaa markii hore sheegtay in “cillad farsamo” oo dhacday intii lagu jiray dayactirka joogtada ah ay keentay in si lama filaan ah loo rido gantaalka.

Dhacdan ayaa aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, balse waxaa jiray digniino la siiyay labada ciidan ee dalalka Pakistan iyo Hindiya ee ah in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post