1026 Views

Foosiya Xaaji Aadam oo si rasmi ah ugu dhawaaqday iney tahay musharrax xilka madaxweynaha Soomaaliya

Foosiya Xaaji Aadam oo  si rasmi ah ugu dhawaaqday iney tahay musharrax xilka madaxweynaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13, 2021

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday iney tahay musharrax xilka madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Fowsiyo oo ka soo jeedda gobollada waqooyi ayaa horay u soo qabatay xilal ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha dibadda iyo Ra’isal wasaare ku xigeen.

Iyada oo noqoneysaa musharrixi ugu horreeyey oo dumar ah oo si rasmi ah u shaacisay iney xilka madaxweynanimada Soomaaliya iisu soo taagtay.

Fowsiyo waxa ay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Soomaaliya ka qabata xilalka ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibedda.

Dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa sanadkan iney ka dhacdo doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo marar badan dib u dhac ku yimid.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post